Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland.


Spread the love
Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Asalaamu Calaykum

Waxaan galabta
casar-liiqii kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyada
Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi ” Dabagale”.

Taliyaha oo ku dhex
jiray shaqadiisa waxaan ka waraystay arrimo badan oo aad muhiim ah, oo ay ka
mid tahay dhibaatadii ka dhalatay Banaanbixii Xisbiyada Mucaaridku hormuudka ka
ahaayeen ee dhawaan dhacay.

Taliyuhu waxa uu si
qoto dheer u tilmaamay in Ciidamada Boolisku ay ku dedaalayeen in si nabadgelyo
ah oo bilaa dhibaato ah ay wax waliba ku dhamaadaan, waajibka koowaad ee
Booliskuna uu yahay ilaalinta muwaadiniinta iyo ilaalinta sharciga.

Taliyahu waxa uu ii
sheegay in 85 Askari oo Boolis ah oo Qarankooda u adeegayay ay dhaawacyo kala u
duwan u geysteen dadkii banaanbaxayaasha ahaa, isla markaasna ay burburiyeen
gaadiid tiro badan oo Booliska iyo dawladu ay leedahay.

Taliyuhu wuxuu nasiib
darro ku tilmaamay dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay banaanbaxaasi, waxaanuu
tilmaamay in muwaadiniintu ay ogaadaan in Boolisku uu yahay Booliskoodii, kana
fogaadaan inay ciidanka u adeegaya ay dhib u geystaan.

Shacbiga reer Somaliland
waxaan usoo jeedinayaa inay ogaadaan in Ciidamadeenu ay yihiin geesiyaasha aynu
ku seexano ee habeen iyo maalinba heegganka u ah ilaalinta Ammaanka Dalkeena.

Booliska Jamhuuriyada
Somaliland iyo Ciidamadeena kala duwani waxay ku guulaysteen Ilaalinta Xuduudaheena
dhuleed, badeed iyo cireedba.

Aad ayaan ugu
mahadnaqayaa Taliye Dabagale sida uu ii soo dhaweeyay wakhtina ii siiyay isaga
oo hawlo qaran ku guda jira. Ugana jawaabay dhamaan suaalihii asn danaynayay
inaan weydiiyo.

Somaliland ha Guulaysto

Amb Kaysar Cabdilaahi
Maxamed

Hargeysa. Jamhuuriyada
Somaliland


Like it? Share with your friends!