Colaadda Ukraine: Sida uu Putin xoogga ugu muquuniyay magaalooyinka iska caabiyay


Spread the love

Burburkii Grozny, February 2000

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Dagaalkii labaad ee Chechnya oo socday 1999-2000, ayaa Ruushku waxa uu go’doomiyay Grozny, waxaana xigay dagaal todobaadyo socday.

Ruushka ayaa horay awood milateri ugu muquuniyay magaalooyinka iska caabiyay sida, Grozny iyo Xaleb. Shacabka Ukraine ayaa hadda ka baqaya in Putin uu tabtaas oo kale u geli doono, sida uu qoray weriyaha BBC Jeremy Bowen.

Magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine, Kharkiv iyo magaalooyin kale oo ay kamid tahay Mariupol ayaa dareemay cududda milateri er Ruushka. Xukuumadda Moscow ayaa iska caabinta uga jawaabta awoodda ballaaran. Waxa uu Ruushku door-bidaa in cadowgiisa ku burburiyo duqeymo uu u adeegsado hub culus, oo inta badan dhulka la sima magaalooyin dhan.

Kharkiv iyo magaalooyinka kale ayaa waxaa soo gaaray burbur baaxad leh iyo weliba dhimasho badan oo shacabka ah. Tani ayaa ka dhigan farriin uu Putin u dirayo Kyiv oo ah – eeg waxa aan ku sameeyay magaalooyinka bari, oo aan ku sameyn karo caasimadda.

‘Dhulka ayaa nala gariiray’

Ilaa iyo hadda, Putin ma uusan amrin in ciidamada Ruushka ay adeegsadaan awood la mid ah tii ay ku burburiyeen magaalada Grozny ee xarunta Chechnya oo uu dagaal badan ka dhacay 1999 ilaa 2000 iyo weliba qeybo kamid ah Suuriya oo uu Ruushka faro-gelin milateri ku sameeyay 2015.

Waxaan soo tebiyay dagaalkii koobaad ee Chechnya oo dhacay 1994-1995. Si lamid ah sida Ukraine, ciidamada Ruushka ayaa sameeyay khaladaad badan oo hawlgalka dhulka ah. Xooggaga Chechnya ayaa wadada u galay oo burburiyay kolonyo ay leeyihiin milateriga Ruushka. Inta badan askarta ay soo qasabtay Moscow ma aysan rabin inay dhintaan.

Ka hor inta uusan billaaban duullaanka Ukraine, khubarada milateriga ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay hadda ka tayo wanaagsan yihiin sidii hore. Hase yeeshee ciidanka dhulka ee Ruushka uu geeyay Ukraine ayaa wajahaya caqabado ay kamid yihiin saadka, khibrad la’aanta askarta da’da yar iyo iska caabin xooggan oo ay kala kulmeen milateriga Ukraine.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Chechnya ayaa 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Midowgii Soofiyeet, 1994 waxaa duullaan ku qaaday Ruushka.

Madaafiicda iyo duqeymaha Ruushka ayaa burburiyay gebi ahaanba bartamaha caasimadda Grozny, oo dhismayaasheedu u badnaayeen kuwo shub ah. Waxaan ku sugnaa fagaaraha Minutka oo uu Ruushku si weyn u duqeeyay, goobta aan muuqaalka ka duubnay ayaa waxaa nala gariiray dhulka.

Duqeymaha Cirka

Meesha labaad ee aan colaaddeeda ka soo warramay, isla markaana uu Ruushku u adeegsaday awood xad dhaaf ah ayaa ah Suuriya. Go’aanka uu Putin ku faro-geliyay colaadda Suuriya ayaa badbaadisay maamulka Bashar al-Asad, waxaana ay Moscow ku soo celisay saaxadda loolanka caalamiga ah. Quwada Ruushka ayaa u sahashay Asad inuu guulo muhiim ah ka gaaro mucaaradka la dagaallamayay.

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa dabayaaqadii 2016 burbur baaxad leh u geystay magaalada Xaleb oo ay markaa gacanta ku hayeen fallaago ka kooban dhowr urur. Diyaaradaha dagaalka ee saldhigyada ku leh Ruushka iyo Iran ayaa fuliyay hawlgalkaas dhulka lagula simay magaaladaas ku taalla bariga Suuriya.

Xeeladda ay Ruushka iyo xukuumadda Suuriya u adeegsadeen Xaleb ayaa ahayd inay go’doomiyaan magaalada, kadibna ku qaadaan duqeyn joogta ah, si ay u tababar dhigaan xooggaga mucaaradka ah. Qaar badan oo kamid ah ayaa ku dhintay dagaalka.

Xigashada Sawirka, BBC/Jeremy Bowen

Qoraalka sawirka,

Muuqaal duube Nik Millard oo BBC ka tirsan ayaa June 2018 gaaray Bariga Quuta ee Suuriya.

Markii aan gaaray bariga Xaleb todobaadyo kadib markii ay gacanta ku dhigeen ciidamada Suuriya, waxaa ii muuqday burbur ballaaran oo ay indhahayga qabteen ilaa masaafo dheer. Xaafado dhan ayaa burburay, waxaana xirmay wadooyin badan oo ay ku soo dumeen guryaha ka ag dhisnaa.

Waxaan arkay in xeelad noocaas oo kale loo adeegsaday bariga Quuta, oo u dhaw caasimadda Dimishiq. Waxaa halkaa ku sugnaa xooggag mucaarad ah oo doonayay inay qabsadaan caasimadda, balse waxaa la soo afjaray 2018.

Shacabka ku nool Kyiv ayaa is weydiinaya in Ruushka uu u adeegsadan doono awood milateri oo lamid ah tan uu u isticmaalay Kharkiv, Mariupol iyo weliba dagaalladii hore ee Chechnya iyo Suuriya.

Ma dhici kartaa in kaniisadaha qadiimiga ah ee Kyiv ay ka hor joogsadaan in Putin uu u adeegsado awood lamid ah tii uu u adeegsaday dhulka Muslimiinta ee Chechnya iyo Suuriya? Putin oo horay uga hadlay muhiimadda ay Ukraine u leedahay taariikhda Ruushka, diyaar ma u yahay inuu burburiyo si uu u hanto? Haddii cunaqabateynta iyo iska caabinta Ukraine ay khatar galiyaan maamulkiisa, ma laga yaabaa inuu qaado tallaabooyin adag?

Taariikhda ayaa muujinaysa in gaabiska ka yimaada ciidamada dhulka uu Ruushku ku xoojiyo hubka awoodda ballaaran si uu ugu guulaysto dagaalka. Dadka Ukraine ayaa ku duceysanaya in taasi aysan dhicin.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments