0

Buddhist monks at funeral of Eliyantha White - 23 September

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Eliyantha White ayaa la sheegay inuu diiday tallaalka

Wadaad u dhashay dalka Sri Lanka oo soo saaray daawo uu ku sheegay in ay dadka ka difaaceyso xanuunka Covid-19 ayaa u geeriyoodya cudurka, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa.

Eliyantha White wuxuu xiddigo cayaartoy ah iyo siyaasiyiin sare ku daweeyay daawada uu sameeyay oo uu ku sheegay inuu riyo ku arkay.

Wuxuu sheegay in dawadan oo lagu shubo webiyada ay cirirbtiri karto xanuunka safmarka ah ee ka jira Sri Lanka iyo dalka deriska la ah ee Hindiya.

NInkan ayaa horraantii bishan la xanuunsaday cdurka waxaana loola cararay isbitaalka, halkaas oo ay xaaladdiisa ka sii dartay.

Dawada uu sameeyay waxaa bulshada u soo bandhigay wasiirkii hore ee caafimaadka Sri Lanka, Pavithra Wanniarachchi, oo qudhiisa labo toddobaad Covid u jiifay qeybta daryeelka gaarka ah ee isbitaalka.

White ayaa sanadihii la soo dhaafay caan baxay kaddib markii uu cayaartoy Hindiya u dhashay ka daaweeyay cudurka, balse waxaa qaab daaweyntiisa ka soo horjeestay dhaqaatiirta waaweyn ee dalkaas.

Sanadkii 2010, cayaartoyga caanka ah ee Sachin Tendulkar ayaa uga mahad celiyay isagoo sheegay inuu wadaadka ka daaweeyay dhaawac jilibka ka soo gaaray.

Wuxuu sidoo kale la talin siiyay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mahinda Rajapaksa, oo bartiisa Tiwtter-ka tacsi uga diray wadaadka.

“Xusuustiisu way nagu dhex noolaa doontaa, wuxuu daaweeyay xanuunno badan,” ayuu yiri Mr Rajapaksa.

Sri Lanka waxaa bishii la soo dhaafay saarnaa bandow sababo la xiriira faafitaanka nooca Delta.

Dowladda ayaa sheegtay in ilaa 12,000 oo qof ay xanuunka ugu dhinteen dalkaas, iyadoo in ka badan hal milyan oo kalena ay qaadeen fayraska, balse dhaqaatiirta ayaa sheegay in tirada dhimashada ay laba laab intaas ka badan karto.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *