0

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee garonka London Stadium Axadii xilli ay Man United guul 2/1 ah ka gaadhay West Ham.

Xiddiga 36 jirka ah ayaa haatan gool ka dhaliyay 66 garoon tan ilaa xilli ciyaareedkii 2003/2004 isaa oo xiddig kasta ka badan kubada cagta.

Zlatan Ibrahimovic ayaa markii hore haystay rikoodhkaas isaga oo gool ka dhaliyay 64 garoon laakiin haatan Ronaldo ayaa jabiyay rikoodhkaas kadib qaab ciyaareed cajiib ah.

Cristiano Ronaldo ayaa haatan isha ku haya in uu goolal ka dhaliyo garoomada Anfield, Stamford Bridge, Carrow Road, Turf Moor, Selhurst Park, Elland Road, & Vicarage Road xilli ciyaareedkan si uu u sii dheeraysto rikoodhka.

Xiddiga reer Portugal ayaa ilaa haatan premier League ka dhaliyay 3gool 2 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Man United tan ilaa markii uu ku soo laabtay kooxda.

Sii Akhriso: Sideed Ku Garanaysaa Qofka Si Qarsoodi Ah Kaaga Fikirayo?


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *