0

Cristiano Ronaldo ayaa talaabo kale u qaaday jabinta rikoodh kale oo gool dhalinta ah.

Xiddiga 36 jirka ah ayaa saddexley dhaliyay kulankii uu xulka qarankiisa Portugal 5/0 uga badiyay xulka Luxembourg kulan ka tirsanaa is reeb-reebka koobka adduunka.

Sidaas darteed Cristiano Ronaldo Ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee dalkiisa u dhaliyay 10 saddexley kulamada caalamiga ah.

Cristiano Ronaldo ayaa badalay 2 rikoodhe 13-kii daqiiqo ee ugu horeeyay ka hor inta uuna daqiiqadii 87-aad dhalin goolkiisii 3-aad ee kulanka.

Xiddiga Man United ayaa dhanka kale kaliya 3 gool u jira in uu noqdo xiddiga ugu goolasha badan taariikhda kulamada is reeb-reebka koobka adduunka.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *