0

Cristiano Ronaldo ayaa aad ugu dhaw gool dhalinta Ole Gunnar Solskjaer ee Man United kadib markii uu dhaafay Halyeeyga kooxda ee Andy Cole isla markaas noqday xiddiga 8-aad ee ugu gool dhalinta badan man United.

Xiddiga Ronaldo ayaa ku soo laabtay Man United xagaaii kadib 12 sano oo uu ka maqnaa waxana uu si fiican ku bilowday xilli ciyaareedka.

Xiddiga reer Portugal ayaa dhaliyay 4 gool 3 kulan oo uu ciyaaray uguna dambeeyay goolkii uu ka dhaliyay West Ham kaas oo ka caawiyay in uu dhaafo Cole oo kooxda Man United u dhaliyay 122 gool.

Cristiano Ronaldo ayaa haatan kaliya 4 gool u jira rikoodhka goolasha ee tababarihiisa haatan ee Solskjaer kaas oo kooxda u dhaliyay 126 gool intii uu ciyaarayay kubada cagta.

Sii Akhriso: Ma jiraa Wiil Kaa Qortay Lambarkaaga, Ma Sugaysaa In Uu Kula Soo Xidhiidho, Ma Dhacday In Uu Kula Soo Xidhiidhi Waayo, Ma Is Waydiinaysaa Sababaha Ka Dambeeya, Arimahan Ayaa Sabab U Ah.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *