0

Xiddiga kooxda Man United ee Cristaino Ronaldo ayaa Lionel Messi ku garaacay Xiddiga kubada cagta ee ugu mushaharka badan adduunka iyada oo xiddiga Red Devils sanadkii qaadanayo 91.5 milyan oo euro.

Ronaldo iyo Messi ayaa ah labada xiddig ee ugu mushaharka badan addunka waxana ay labadooduba ku kala biireen kooxaha Man United iyo PSG.

Lionel Messi ayaa u xaadiri doona sanadka lacag dhan 80 milyan oo euro laakiin waxa uu aad uga mushahar hooseeyaa xiddiga ay xafiiltamaan ee Ronaldo.

Ronaldo ayaa labada sano ee uu joogo United qaadan doona 51.25 milyan oo euro iyada oo ay ku jirto mushaharka caadiga ah iyo waliba gunooyinka ku xidhan qaab ciyaareedka iyada oo lacagta inta kale ka imanayso xayaysiisyada.

Xiddiga reer Argentine ee Messi ayaa dhanka mushaharka caadiga ah ka badan mida Ronaldo isaga oo mushahar ahaan u qaadan doona 54.95 milyan euro laakiin xayaysiisyada u qaadanaya 25.6 milyan euro.

Sii Akhriso: Ma jiraa Wiil Kaa Qortay Lambarkaaga, Ma Sugaysaa In Uu Kula Soo Xidhiidho, Ma Dhacday In Uu Kula Soo Xidhiidhi Waayo, Ma Is Waydiinaysaa Sababaha Ka Dambeeya, Arimahan Ayaa Sabab U Ah.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *