0

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Bruno Fernandes kaas oo uu mushahar ahaan ugu qaadan doono 250 kun oo Gini todobadkii iyaga oo uga mahad celinaya imaatinka Cristiano Ronaldo.

Xiddiga reer Portugal ayaa lala xidhiidhinayay Real Madrid iyo Barcelona kadib la soo saxiixashadiis Ronald ee bishii Hore.

Waxa jirtay su’aal laga keenayay sida ay labada xiddig isaga garab ciyaari karaan shaxda Man United iyo in ay qaab ciyaareed fiican soo bandhigi karaan.

Laakiin Man United ayaa haatan ku dhaw in ay heshiis wakhti fog ah ka saxiixato xiddiga reer portugal iyada oo ay ku qancisay hamiga kooxda kadib saxiixa xiddigaha Ronaldo, Raphael Varane & Jadon Sancho.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Man United xiddiga ka saxiixan doonto heshiis ilaa xagaaga 2026 ah isaga oo mushahar ahaan todobaadkii u qaadan doona lacag dhan 250 kun oo Gini.

Sii Akhriso: Fariimo jacay: Waxa Ugu Fiican Ee Aad Aad U Sheegi Kartid Qofka Aad Jeceshahay.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *