Daad Ninuu La Soo Tegay, Xunbuu Dagagar Moodaa, Kolay Durugtayceebtiye, Hablaha Maydin Sii Deyn


Spread the love
W/Q:Ismail Abdillahi Handuleh

Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim,[A.S.C.W.R.W.B],

Tu khaas ahna bahada H/W iyo akhristayaasha.

Dulmikii sameeyiyo,Dugsade way u simanyahiin,

Denbigeeni weeyaan,Doorateen dadweynoow,

Daraad loo dabaaldegay,Durbaankaw tumaysen,

Dahabkiini maar noqoye,Da’yartuun ha laynina,

Dusha jeel ka furanba,Dadko dhami u hoydaaye,

Hablahaw dacwiyaysan,Dumar maxay ka weynyin,

Mise durugsanaantiyo,Diidmadu waa GABIILEEYDA,

Dalku waysku yaalaa,Jeelashuna isma doorshaan,

Dugsi ma leh qabyaaladi,Diiwaankooday ku taalaye,

Dushuun ka xaadismooye,Basasha diir lagama dhilo,

Daray midhihiis duuduub,Degdegba laysu dhaafsha,

Labadiisan daaniyo dameer,Maxay is doorshaan,

Daraf iyo ilaa daraf dadkani,Waa walaal run ahon,

Dawlada iyo siyaasigoow,Joojiya hadalka dalabtaleh,

Dadkase waxaad u oydaan,Dibada qaar ku nool weli,

Degdeg ma u iloowdeen,daraad kuwii aydin aasteen,

Daba qabasho mooye,Dudmo ma leh wax kaa dumay,

Ismail Abdillahi Handuleh.


Like it? Share with your friends!