0

Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Daa’uud Shire Maxamed oo ka hadlay xaflada ay magaalada Muqdisho ku qabsadeen kooxda Halgan ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin horomarinta Kubadcag yaraha Soomaaliya iyo guulaha uu gaaray.


“Waan u mahadcelinaynaa maaamulka, macallimiinta iyo ciyaartooyda kooxda Halgan , runtii waxay muujiyeen da’daal wanaagsan waxayna maanta ka mid yihiin kooxaha heerka ee Kubadcag yaraha Soomaaliya” ayuu sheegay Mudane Daa’uud Shire Maxamed Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha.


Xoghaye Daa’uud Shire Maxamed wuxuu soo dhaweeyay ganacstada iminka bilaaway dhiiirginta kooxaha Kubadcag yaraha, wuxuuna arintaas ku tilmaamay guulo weyn ay gaareyn madaxda Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya iyo kooxaha kala duwan ee kubacag yaraha dalka.


“Waxaan ganacastada Soomaaliyeed ee diyaarka u ah horomarinta iyo dhiirigelinta kooxaha Minifootboolka u balanqaadayaa in aan waxqabadkooda tusin doono Caalamka, waxaana sidoo kale ka rabnaa in ay door wanaagsan ka qaataan guulaha Xulka Qaranka Kubadcag yaraha Soomaaliya” ayuu xoghayaha Xiriirka Kubadcag yaraha Da’uud Shire Maxamed u sheegay Ganacastada Soomaaliyeed ee diyaarka u ah horomarinta Minifootbolka dalka.


Xoghaye Daa’uud Shire Maxamed wuxuu amaanay da’daalka wanaagsan ay wadaan madaxda kooxaha kala duwan ee Kubadcag yaraha Soomaaliya, isagoo u rajeeyay guul iyo horomar.


“Waan u hambalyaynaa is badalka wanaagsan ay wadaan mas’uuliyeenta naadiyada Kubadcag yaraha ,runtii waa wax lagu farxo waana sababta loo aas aasay kooxaha ay yihiin in la helo xidigo tayo wanaagsan oo matala Xulka Qaranka Kubadcag yaraha Soomaaliya” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Xoghayaha guud ee Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Daa’uud Shire Maxamed.

Daawo Fariinta Uu Diray Xoghaye Daa’uud Shire

 

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA

Kooxda Halgan Oo Dhiirigelisay Ciyaartooyda Iyo macallimiinteeda

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *