0

Sergio Aguero ayaa ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda Barcelona tan ilaa markii uu ku so biiray kooxda xagaagii.

Aguero ayaa Barcelona ugu soo biiray qaab xor ah kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray kooxda Man City.

Laakiin Aguero ayaa dhaawacmay isaga oo aan hal daqiiqo u ciyaarin kooxda Barcelona taas oo la macno ah in uu seegay bilowgii xilli ciyaareedka Barcelona.

Si kasta ha ahaatee Aguero ayaa haatan u soo laabtay kooxdiisa Barcelona waxana uu ciyaaray kulankii ugu horeeyay ee kooxda isaga oo ciyaaray kulan saaxiibtinimo ah.

Aguero ayaa dhaliyay gool kadib markii uu goolhayuhu kubad iska tufay isaga oo kubada la garab maray kadib gool u dhaliyay kooxdiisa kulan ku dhamaaday bar-baro 2/2 ah.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *