Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Mabaax oo ka mid ah deegaanada gobolka Hiiraan


Spread the love

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidanka dib u xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanka Mabaax oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisimaha Al-shabaab ay ku lahayeen deegaanka Mabaax oo u dhaxeeya degmooyinka Maqokori iyo Aadan yabaal ee gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.Saraakiil u hadashay ciidamada dib u xureynta deegaanka ayaa guulo ka sheegtay weerarka ay ku qaadeen deegaanka Mabaax.Sarkaalka ayaa sheegay in weerarka ay ku dileen 20 ka mid ah Ururka Al-Shabaab, islamarkaana tiro intaasi ka badan ay ku dhaawaceen.Horseed Media


Like it? Share with your friends!