Dagaal ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose


Spread the love

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kulbiyow oo hoos yimaada degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidanka Kenya ee ka tirsan Howgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.

Goobjoogeyaal ayaa inoo sheegay in dagaalka yimid ka dib markii dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ay Ciidanka ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow ee hoos yimaada degmada Badhaadhe.

Dagaalka oo saacado socday ayaa waxaa waxaa jira khasaare ka dhashay, balse ilaa hadda lama oga tirada rasmiga dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalka.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments