Dagaalka Ukraine: Maxkamadda ICC ma awooddaa in ay baaritaan ku sameyso Ruushka?


Spread the love

ICC

Dhawrkii saac ee la soo dhaafay waxaa isa soo tarayay eedeymaha ah in Ruushku uu dambiyo dagaal ka geystay qeybo ka mid ah dalka Ukraine, gaar ahaan magaalada Kharkiv ee ku taal woqooyi-bari Ukraine.

Eedeymahani ayaa inta badan ka soo yeerayay madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, mas’uuliyiinta magaaladaasi iyo hay’adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International, kuwaa oo dhammaantood ku baaqayay in baaritaan lagu sameeyo weerarrada Ruushku uu ka geystay magaaladaasi.

Waxay sheegeen in Ruushku uu duqeymo ku bartilmaameedsaday goobo dad rayid ah ay deggan yihiin oo ku yaal magaaladaasi.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Ukraine ayaa sheegtay in gantaallada Ruushka ay ku dhaceen dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla gobolka Kyiv.

Saddex dhismo oo ka kooban shan dabaq ayaa ku burburay weerar gantaalo ah oo dhacay saddex saacadood ka hor, sida lagu sheegay barta Facebook ee wasaaradda.

Xigashada Sawirka, Reuters

Balse Ruushka ayaa beeniyay in uu bartilmaameedsaday guryo ay deggan yihiin dad rayid ah, haseyeeshee maxkamadda dambiyada caalamiga ahi ee ICC ee fadhigeedu yahay Hague ayaa sheegtay in ay baaritaan ku sameyn doonto suurtagalniamda ah in Ruushku uu halkaasi ka geystay dambiyo dagaal.

Dacwad oogaha guud ee maxkamaddani, Karim Khan, ayaa hawlwadeennada maxkamaddaasi ka codsaday in ay uruuriyaan xogta ku saabsan weerarrada uu Ruushka ka geystay magaalada Kharkiv, gaar ahaan caddeymaha muujinaya tacaddiyada ay geysteen ciidamada Ruushka ee sida weerarrada ka dhanka ah dadka rayidka ahi.

Inkabadan 600,000 oo qof ayaa guud ahaan dalkaasi Ukraine ka qaxay guryahooda, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey halka in kabadan 130 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan 13 carruur ah ku dhinteen colaadda tan iyo khamiistii la soo dhaafay.

Qoraalka Muuqaalka,

Halkan ka daawo sida gantaallada Ruushku ay u burburiyeen magaalada Kyiv.

Ruushka ayaa sanadkii 2016-kii isaga baxay maxkamadda dambiyada caalamiga ahi ee ICC kaddib markii madaxweyne Vladimir Putin uu ansixiyay in dalkaasi uu ka laabto hannaanka ma mid noqoshada maxkamaddaasi.

Arrintaasi ayaa ka dhalatay go’aan maxkamaddaasi ay qaadatay oo ahaa in baaritaan ay ku sameyso qabsashadii Ruushku uu qabsaday gobolka Crimea.

Ruushka ayaa sanadkii 2000 saxiixay heshiiskii Rome ee lagu aasaasay maxkamaddaasi balse waxa uu ka laabtay arrintaasi ka hor inta uusan ansixin xubinnimadiisa, waxaana Ruushku uu ku biiray Mareykanka iyo waddamo kale oo ku gacan seyray maxkamaddaasi.

Maxkamadda ICC ayaa sidoo kale horraantii sanadkii 2016 amartay in baaritaan lagu sameeyo dagaalkii sanadkii 2008-dii dhex maray Ruushka iyo Georgia, gaar ahaan dagaal ka dhacay South Ossetia.

Dadka qaar ayaa sheegaya in Ruushku uusan waligiiba la shaqeyn maxkamaddaasi, ayna adkaan doonto fulinta awaamiirta dacwad ooge Karim Khan maadaama Moscow ay ka mid tahay waddamada ugu awoodda abdan caalamka isla markaana ay leedahay codka diidmada qayaxan ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli maalintii lixaad uu galay dagaal xooggan ee u dhaxeeya Ukraine iyo Ruushka.

Waaxda gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in ku dhawaad 75% ciidamada Ruushka ee la isugu keenay xudduudaha Ukraine ay hadda ku sugan yihiin gudaha dalka Ukraine.

Xigashada Sawirka, Reuters

Ciidamada ugu badan ayaa hadda ku sugan meel 25 Km u jirta caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv.

Sida ay horey u sheegeen saraakiisha reer galbeedka, ciidamada Ruushka ma sameynayaan horumarkii ay qorsheynayeen sababo la xiriira dhanka saadka iyo iska caabin adag oo ay kala kulmeen ciidamada Ukraine.

Mareykanka ayaa dhanak kale cambaareeyay tallaabadda Ruushka uu heegan sare ku galiyay awoodooda Nukliyeerka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in ku dhawaaqista madaxweyne Putin ay tahay mid aan loo baahnayn — iyaga oo intaa ku daray in ay tahay ‘kordhin’ khatar gelinaysa ‘ xisaab-xumo khatar ah’.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in ku dhawaaqista madaxweyne Putin ay tahay mid aan loo baahnayn — iyaga oo intaa ku daray in ay tahay mid ‘xaaladda uga sii dareysa.

Saraakiisha Pentagon-ka ayaa diiday in ay sheegaan in mowqifka hubka Nukliyeerka ee Mareykanka hadda la bedelay iyo in kale.

Dhanka kale Midowga Yurub ayaa bilaabay cunaqabatayn aan horay loo arag oo ka dhan ah dadka iyo shirkadaha ugu awooda badan Ruushka.

Isniintii, waxay ay midowga Yurub soo saareen liiska 26 qof oo wajihi doona cunaqabatayn.

Waxaa ka mid dadka cunaqabateynta lagu soo rogay.

Xoghayaha warfaafinta Kremlin Dmitry Peskov, iyo Alexander Ponomarenko, oo ah guddoomiyaha guddiga garoonka caalamiga ah ee Sheremetyevo ee Moscow.

Waxaa sidoo kale ka mid ah Nikolay Tokarev, madaxa shirkadda Transneft, oo ah shirkadda dhuumaha shidaalka.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments