Dan Iyo Jacayl Kala Durugsanaa


Spread the love
W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

Suugaantu Waxay ku timaadaa Ama Soo tebisaa dareen
Qof haysta, Amakaag, Ciil, Jacayl, Farxad, Murugo I.w.m.

 

Marar badan Ayaa laba Jacayl Wada dhadhansaday, Oo
u wadaagay sida caano geel, kuwo jacaylkoodu gaadhay inay dhuuxa isku shubaan,
Waxa kala fogaysa danta iyo Duruufta hadba ay ku jiraan sida ay heestani
xusayso.

 

Bal suureyso marku Waqtigu kaa fogeeyo dawadii
nafta, iyo dareenkii kalkacalka Ee sida ubax dooga leh aad u daawanaysay
Kolkastoo ay damaymo kuu qabato.

 

-Dawadii Naftaydiyoo

-Dareenkii kalkacalkee

-Sida ubaxa dooga leh

-Aan Daawanaayaa

-Waan dibadgaloo bee.

 

Marka ay duruuftu kaa fogeyso kobtii Iyo degeladii
ay darintu idiin tiil ee Caweyskii Ku laydhsan jirteen, Caruurtana Ku cadalooli
jireen.

 

-Adaa dagaladeeniyo

-Dalkii hooyo joogee.

 

Inkastoo Ay badan yihiin Aaladaha lagu wada
xidhiidhaa hadana Waxa jira marar lays waayo Markaas oo kale ayaad is odheysaa
Dabaylaha fariin ma ugu dirtaa si ay fariintaada u qaado una gaadhsiiso
Quruxdaad Jeclayd.

 

-Dabaylaha Fariin

-Ma layskugu diraa.

 

Marka aad aragto Barkulankii aad ku xidhiidhi
jirteen Oo qumantaad jeclayd ka maqan tahay markaana Waa kuu Naxdin.

 

-Dunidiyo Naxdin

-Mays daba socdaan.

 

Intaa kadib ayaad Nafta ku qancinaysaa in Danta
iyo Jacaylkuna Ay kala durugsan yihiin.

 

-Afku Hadal ma daayee

-Danta iyo Jacaylkuna

-Kala durugsanaa ‘ ee

 

Markale ayaad arkeysaa Jacaylo badan oo inay kob
Wada degaan Mararka Qaar dantu u Saamixi weydo markaas ayaad Nafta ku
samirsiinaysaa in dadba kula Qabo oo aanad Keligaa Ahayn.

 

-Afku Hadal ma daayee

-Danta iyo Jacaylkuna

-Diiftu Maaha Keligaa.

 

Heestan Waa Ereyadii Maxamed Aadan Dacar Waxa kuwa
Luuqeeyey Saalax Qaasim Iyo Khadar Daahir.

 

W/Q:
Abdirisaq Ahmed Egal 

[email protected]


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments