Dawladi waa maxay?


Spread the love

Kuwo kale ayaa yidhi “maya ee dadku waa xayawaan
Dawladnimadu waa waji ka mid ah wajiyada tadawurka garaadka
iyo wacyiga basharka iyo is abaabulka bulshada. Koox kasta oo dad ahi, xilli ay
joogtay iyo tiro ay lahaydba, dabeecad ahaan wax ay lahayd xeer iyo kaladambayn
dabiici ah. Xeerkaa iyo dabeecaddaasi ku ma ay dhisnayn caqli iyo akhlaaq, wax
ay se ku dhisnaayeen abuurta noolaha:

baahida nolosha, danta la is ku qabo iyo sida loo ka la xoog
weyn yahay. Marxaladdaa wadajirka kooxda dadka ahi waxba ka ga ma duwanayn
wadajirka kooxda dugaagga ah.

Qunyar qunyar ayaa
tobannaan kun oo sano ka hor la yeeshay nadaam bulsheed oo xeerkii dabeecadda
ku dhisnaa loo koriyay xeer diin ku dhisan. Kaladambayntii xoogga qaawan ku
dhisnayd waxaa la gu saleeyay in cidda awoodda leh la diineeyo oo la ga dhigo
wax muqaddas ah oo xagga ilaahyada la ga doortay. Taas baa dadka la soo martay
marxaladdii taariikhdiisa u gu dheerayd.

 
Beri u gu yaraan ku siman ilbaxnimadii Giriigga, waqti imika
la ga joogo 2400 sano, waxaa abuurantay garasho falsafadeed oo qeexaysa waxa ay
dawladnimadu tahay, gaar ahaan labadii filasoof ee magaca weyn ka tagay,
Aristotle iyo Plato.

Sidaas oo kale
qarniyadii dhexe niman badan baa maskax geliyay in ay macneeyaan dawladnimadu waxa ay tahay, waxa ay ku dhisan
tahay iyo sida u gu wanaagsan ee loo gu noolaan karo, sida Machiavelli iyo
Aquino.

Ibn Khalduun oo dhashay sannadkii 1332 ayaa ka mid ahaa
raggii garashada badnaa ee macnaha dawladnimada aad u ka la dhigdhigay.
Dawladnimada cusub ee maanta la yaqaan markii ay Yurub ka hanaqaadaysay waxaa
soo baxay filasoofyo taa baadhisteeda ku talaxtegay.

 
Filasoofyadaa qaar baa yidhi “dawladda waxaa keenay in
dadku yahay noole garaad leh garaadkiisa
ayaana faray in uu helo hab loo wada noolaado oo ka baxsan caadifadda iyo
xayawaannimada qof walba goonidiisa u gu jirta”.

Kuwo kale ayaa yidhi
“maya ee dadku waa xayawaan oo goor walba noloshiisa waxaa riixaysa
caadifadda caqlina ku ma dhaqmi karo kolka runtiisa iyo baahidiisa la gaadho,
markaa dawladdu waa in ay ku dhisan tahay awood caqliga ka adag”.

Qolo saddexaad wax ay yidhaahdeen “caadifad dawlad la gu ma dhiso, caqliguna ma shaqeeyo
keligii haddii aan wax xakameeyaa jirin oo nafjeclaysiga ayaa ka xoog badan,
taasina wax ay keenaysaa in la is ku halaagmo bulsho dhexdeed iyo bulshooyin ka
la duwan dhexdoodba, markaa waa in xakame la helaa”.

Ibn Khalduun iyo inta la aragtida ahi wax ay qaateen
xakamaha caadifadda iyo caqligu u baahan yihiin ee la gu wada noolaan karaa waa
diinta. Qolo kalena wax ay yidhaahdeen diinta qudheeda dad baa ku danaysta,
waqtiga iyo duruufuhuna waa ay ka gudbaan, ee xakamha caqligu waa in uu noqdaa
qiyamka iyo xeerarka bulsheed ee la dhigtay oo xoog la gu fuliyo.

 
Dabadeed maanta waxaa kaydsan culuun baaxad leh oo
dawladnimada ku saabsan (the history of political thought). Waxaa degsan oo la
bartaa maaddooyin ay ka mid yihiin political philosophy, moral philosophy,
social philosophy, legal philosophy, economic philosophy iyo qaar kale oo
dhammaantood isu gu biyo shubta suuragelinta dhaqan wanaag dawladeed iyo
habsami bulsheed. Aqoontaas oo dhanna waxaa asal loo ga dhigay qaacidada ah
“the common good” – Sareedo loo dhan yahay.

 
Is ku soo xoori oo waxaa xaqiiqo ah, dadku waa xayawaan ay
baahidiisa dabiiciga ahi ka xoog badan tahay wax kasta oo kale, sidaa darteed
waa in la helaa farsamo xayawaannimadiisa la gu xakameeyo. Reer Galbeedku waa
cidda caawa u gu roon dunida kolka ay tahay xakamaynta awoodda xawaannimada

 
geli karta dawladda ama bulshadu is ku layn karto, taana
waxaa keenay maamulkooda bulsheed oo ku dhisan falsafad iyo fikir aad loo ga
soo shaqeeyay dabadeed abuuray qiyam bulsheed iyo xeerar xooggan. Taa
beddelkeeda innaga dawladnimadeennu wax ay ku dhisan tahay heerka
xayawaannimada, maalin walbana kooxda talada haysa ayaa keligeed noolaata.

 
Ibrahim Hawd


Like it? Share with your friends!