Derojo-xidhkii Kabtan Suhuur Fatxi Mukhtaar iyo Go’aankii Geesinimada lahaa ee Madaxweyne Muuse Biixi.


Spread the love
Asalaamu Calaykum

Halkan waxaa ka
muuqata Geesiyad ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyada Somaliland
Dhamme Suhuur Fatxi Mukhtaar oo uu garbaheeda darajada Kabtanimo u sudhay
Madaxweyne Muuse Biixi 31 kii bishii October 2020.

Sarkaaladan reer
Somaliland oo  qabiilkeedu yahay
Ogaadeen, run ahaana aan ka xumahay inaan halkan qabiil ku xuso balse ay ka
fursan weyday, waxaa sarkaaladan soo waajahay caqabadaha la xidhiidha Xeerarka
Jinsiyadaha ee aan wali sidii la rabay loo kala xadayn.

Hadaba Geesiyadan
Suhuur waxa muddo badan ku qaadatay inay hesho derajada ay aqoonteeda iyo
kartideeda ku heshay, iyada oo  ka mid ah
saraakiisha hormuudka ka ah Ciidanka ilaalada Xeebaha.

Waxaa Allah Mahadii
ahayd in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo la gaadhsiiyay arrinta Suhuur uu
go’aansaday inuu hal mar isu raaciyo Saddex Xidigood oo is gaadhay oo ay
aqoonteeda ku muttaysatay, arrinta Suhuur oo aan si dhow ula socday aad ayaan
ugu farxay go’aankii geesinimada iyo gobonimimada lahaa ee Madaxweyne Muuse
Biixi Cabdi ku ogolaaday derajada Kabtan Suhuur.

Dhamme Suhuur imika
waa Hoggaanka Tababarrada ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, waana
geesiyay uu Qaranka Somaliland ku faano oo hormuud u ah saraakiisha haweenka ah
ee Ciidamada kala duwan ka tirsan.

Hadaba waxaa loo
baahan yahay in la ogaado in aan qofna lagu takoorin qabiilkiisa, balse loo
baahan yahay in Baarlamanka Somaliland uu si cad u iftiimiyo xeerarka Jinsiyada
ee Somaliland oo caqabad weyn ku ah dadka la midka ah Suhuur.

Xaq iyo cadaalad
iilama muuqato in  la yidhaa qofka  Gadabguursi, Fiqishini, Gabooye, Dhulbahante,
Warsangeli iyo Isaaq ee ku dhasha Ruushka ama Maraykanku xaq ayuu u leeyahay
Jinsiyada Somaliland, qofka Ogaadeen ama Hawiye ama Majeerteen ee Hargeysa ku
dhashayna xaq uma laha dhalasho.

Waxaa loo baahan
yahay in Baarlamankeenu  uu  dhakhso u saxo dhibaatada ka jirta xeerarka
Jinsiyadaha ee Somaliland.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments