Dhega-Laay Adkayso Aduunka Wax Laga qarinayaa Ma Jirto, Oo Jooji Cabaadka ( Abdi-Shotaly).


Spread the love

* N. B Afeef Horaa La Yeeshaa Ama Adkaysi Dambe, Kolba Derbi La Isku a Qaafee!

Akhrista-yaal waxa beryahan dambe maqlay-saan, Arimaha ka
soo butaacaaya Maamulka uu hor-joogaha ka yahay askarigan ku jira guriggii
Moorgan, ee wax aanu hayn is biday, naftuu xuurta is geliyey, hadana xaarka ka
wadhaaya marka Aduunka loo ban-dhigo dalkan uu caynkii iyo baydiiba u jaray.

Waxan uga socdaa oo
igu kelifay maqaalkan. Kuwa uu ku adeegto ee “Digsi xagato” ee reer
walba uu ka soo xushay, oo fagaara-yaasha iyo war-baahinta isla Soo taagaa ya
oohin, isna leh wax baad ku hadlay-saan, kuwaas oo u baryoota-maya askariga ina
aan wax uu walaaqa-naayo Aduunka loo gubin, farsama-diina ay ku joojin
lahaayeena ay ka dhabaqsan tahay.

 
Bal ila eegoo waxay
ka Qabsatay ” Gacamo geel-jire HOOS baa loo dhaqaa” oo ujeedadda ay
ka leeyihiin ay tahay marka la soo koobo ” Noo Xil Qariya” waxay ina
leeyihiin inaka baa wax dhamaysan jirney, ee ha inoogu yeedhina Beesha
Caalamka, Waayo wixii aanu cuni jirey bay naga jarayaane.

Muwaadin, waxa la yidhi ” Kaadi badan waa loo gogol
badiyaaye” Waa duul aan is dhegaysan, oo mid-ba-mid ka daran yahay beenta
iyo is-Yeel-Yeelka’, hadday doonayaan in hoos loo dhaqo “Gacmaha
Geel-jiraha” Waxani-ba may joogeen saaka, ee Beri hore waa Kuwii yidhi
iyaku ” Sare u dhaqa Gacmaha” Si cid waliba u aragto, bal waxad ku qaadi
kartaan, maxay imika dabadda la soo jeediyeen.

 
Miyaan ay ahayn Kuwii diiday Kuwii hoos u dhiqi lahaa, oo ah
Madax-dhaq-meedkii Somaliland oo dhan Hobol kaste iskaga yimi, Culimaddii,
Ganacsa-taddii, Qaybihii bulshadda ee kala fuwanaa, Talddii Xusbiyadda
Mucaatidka ah, Gudoomiya-Yaashii labadda Gole, inkasta oo uu ” Saleebaan
Yuhuudi” Uu hoosta kala socday iyaka, daacad-na aanu ka ahayn xaajadda.
Maxay imika u leeyihiin meel dheer baad geyseen.

Kuwa ay ku dhego
hadla-yaan ee Aduunka Wax u qorey, waxa ka mid ah aniga oo ah Ninka Maqaalkan
qorey. Ee cirka ha soo gujiyeen meel walba waanu u qorey-naaye, xataa waxa aanu
gaadh-siinay oo intaa sii dheer jaraa’idka iyo TV-yadda Caalamka Beenta uu u
sheego ku quudiya “Af-kagga oo ku xidha, kuna sii dayn Alle go’o baa la
yidhaa-haaye” Jiq ha idinku ahaa to.

 
Anaka oon faanay, waxan kashifnay Kuwii uu Hargeysa ku soo
siiyey laaluushka ee ahaa ” Xildhi-baanadda Ingiriisku, Kuwii
Maraykan-kana iyana Dhawaan baa la hor keenayaa Guriga Aqalka Sare Ee Odayaasha
( The House Of Senate Parliamentary Members) Habar baa Beri lagu yidhi si walba
loogu taag waayey wax maqal, in ay gar waadato, hadana cabaad-keedda la hayn
kari waayey ”

 
Isku hayn iyo kala
hayn” mid ha laguugu yimaado” Taas oo micna-heedu yahay, kolka hore
gardiidnimo ula kas ah in ay ku kacdo, is dhego Mar ay weliba anshax xumo u
dheer tahay, is waal-waal aanad wax-ba aanay miidaan deyeyn, sidaan doono aan
yeelo, wax aan dhegaysa-nayaa ma jiro, 

wax maqala hadal-keeda Daa, Ku darsatay
kibir aan meela haysaan, oo hoosta ka madhan, naxli abuur iyo dhibaato foodad
abuur ah uun ku maleegan, qas iyo isku dir ay iska hor-keen mooyee aan tallo
kale hayn, maskax iyo miyir mid-na aan marka u dhalanin, laga-la quustay cagaha
dhig oo saya-naas u soco, miciin-keed la colaw ah, itaal-baaska is leh
ficiltan, isla weyn ah, aan dadka wax-baba u haysaan, hadana sidaas oo ay
tahay, marka waxay Wado iyo xumaan ta samaynaydo la taab-siiyo cabaad ka
wadhaysa iyo maxaa waxaa la iigu Samaynayaa, isnaba aan ogolayn ee hor iyo daba
diid ah, waa sidda ay yihiin askariga ” Raggii ma adigaa ka hadhay”
Iyo koox-dda uu ku adeegto ee ah ” 

Golaha jariyafa-hiisa” ee uu
beelaha ku yidhaaho soo kala jebiya, sidda ” Geenyo Shaaximan, Bakhti
dhego weyn, Abdale Abokor iyo qaar kaloo badan” Kuwa noocaas ahi waa waxay kaga ceedhaane,
marka wax laga sheegana ay baroorta ka kacayaan iyo maxaa wax naloo ka qorayaa
oo Aduunka loogu sheegayaa. Bal ummad yahay idinku wax ku sheega, waa iga
su’aale.

 
Horaa loo yidhaahi ” Nin is waala-ba waabiyaa
hela” ee saw laguma tusin waxad tahay Af-qashuusha lahayde. Waxan ku soo
xidhay maqaalkan, Maah-maahdii ahayd ” Afeef Horaa la yeeshaa ama adakaysi
dambe” Marka hore baa hadaf sax ah lagu Tashaday, oo is waal-waalka iyo
aniga a wood leh-da la iska daayaa, maxay imika hungaacadda iyo oohinta la
qubayaan, ee ay ugu socon waayeen wixii ay afka ka lahaayeen.

Murti baa ahayd ” Tab hayaw, lagaa tab hayee” inta
ay askariga wakhti-giisii dhamaadey uu khiyaaliga iyo ila meerassadda ku
mash-quulsanaa, anakuna waxanu u sii qoolay-nay dabinka uu hadda ku dhacay, ee
ah geeri iyo mag la’aan xumaan ta uu ku baxay.Waxan ku soo dabray.

Maamulka ” Xaafad-Tooyadu” Ha ogaado in meel kaste
lagaa horeeyo, marka laga reebo beenta, waxa aanu kaa soo handaraabnay had aanu
nahay Mucaaridka beeshii Caalamka, mana jirto wax dambe oo ay kaa hoos qaada-yaane,
waal-waal at aye xeradda gal. Intaas oo keliya Maahee, dhul ka sii fog baanu
war-kiina geynay,

* N. B Afeef Horaa La Yeeshaa Ama Adkaysi Dambe, Kolba Derbi
La Isku a Qaafee!
Qore:- Abdi-Shotaly.


Like it? Share with your friends!