Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Qarax ka dhacay bartamaha Istanbul


Spread the love

Qarax sababay khasaare kala duwan ayaa galaabta ka dhacay bartamaha magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.Duqa magaalada Istanbul Ali Yerlikaya ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in 4 qof ay ku naf waayeen halka 38 qofna ay ku dhaawacmeen qaarxaasi.Waddada uu qaraxa ka dhacay ayaa ahayd mid mashquul badan maadaama ay maanta tahay Axad .Wali xukuumadda Turkiga wax faahfaahin ah kama bixin waxa sababay qaraxaasi.Horseed Media


Like it? Share with your friends!