0

Kooxda chelsea ayaa dhirbaaxo la kulantay kadib markii ay dhaawac ku wayday xiddiga Reece James wakhti hore oo ahayd ciyaarta ay La ciyaarayso Man City.

Daafaca 21 jirka ah ayaa ku qasbanaaday in uu dhaawac uga boxo ciyaarta kadib markii uu dhaaacmay xilli ay kubad ku loolamayeen xiddiga Man City ee Jack Grealish.

James ayaa ku bilowday ciyaarta laakiin waxa la badalay daqiiqadii 30-aad kadib markii uu ka dhaawacmay kuraanta sidaasna kaga baxay ciyaarta laguna badalay xiddiga Thiago Silva.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah Thomas Tuchel maadama uu James muhiim ka yahay shaxda tababaraha xilli ciyaareedkan waxana ay haatan kooxdu sugi doontaa baadhitaanka lagu samayn doono xiddiga.

Sii Akhriso: Waakan Ninka Ay Dumarka Oo Dhan Jecelyihiin, Xitaa U Dhiman Karaan


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *