0

Diego Simeone ayaa daaha ka qaaday inuu qorshe cajiib ah ka garab sameeyay Luis Suarez xagaagii lasoo dhaafay si uu isugu dayo inuu u dhaqaaqo Lionel Messi xagaagii la soo dhaafay.

Wadahadaladii heshiis kordhinta Lionel messi ee Barcelona ayaa bur-buray kadib markii ay kooxdu awood u wayday mushaharka Lionel Messi xilli uu xiddigu qaab xor ah uga tagaya kooxda.

Tababaraha Atletico Madrid ee Simeone ayaa qirtay in uu isku dayay in uu Luis Suarez u sheego in uu ku qanciyo saaxiibkiisii hore in uu kula biiro kooxda caasimada.

“Waxa aan kuu sheegi doonaa wixii dhacay, waxa aan la hadlay Luis”ayuu Simeone yidhi.

“Ixtiraam aan u hayo, lama hadlin Messi, laakiin waxa aan Luis u sheegay in uu Messi ku qanciyo in uu yimaado Atletico”ayuu sii raaciyay.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *