Degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah deegaanada ay sida weyn u saameysay abaaraha ba’an ee xiligaan ka taagan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana taasi u sii dheer iney go’doon ugu jirto Al-shabaab magaaladaasi ku dhawaad 10 sano.
“Annagoo fulineeyna amarka Madaxweynaha JFS waxaan weli ku guda-jirnaa dhammeystirka qeybinta Sahayda Gargaarka si aan u-gaarsiino deegaanada ugu daran iyo qaarka go’doonka ku jiray muddo oo Abaaraha saameeyeen sida degmada Buula-Barde ee Gobalka Hiiraan-Hirshabeelle.” Ayey tiri Khadiijo Maxamed Diiriye.
Wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya maysan faahfaahin inta uu dhan yahay gargaarka ay Maanta ay u dirtay degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan, hayeeshee maaha mid dabooli karta baahida dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku dhaqan degmada Buula burte gargaar degmadaasi lagu geeyay hal diyaarad.