Dood ka dhalatay heshiis uu saxiixay Wasiirka Batroolka Soomaaliya


Spread the love

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed

Xigashada Sawirka, RADIO MUQDISHO

Qoraalka sawirka,

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay inay heshiis dhanka wax soo saarka shidaalka ay la galeen shirkadda Costline Exploration ltd.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan iclaamiyo inaan saxiixnay Heshiis Wax Soo Saar Wadaag 7 xirmood ah la galnay shirkadda Costline Exploration ltd. Waa guul usoo hoyatay Ummada Soomaaliyeed. Waxaan u mahad celinayaa Madaxweyaha JFS oo igu garab siiyey iguna tirtirsiiyey dhammaystirka hawshan.”

Hase yeeshee madaxtoyada Soomaaliya ayaa soo saartay war saxaafadeed lagu burinayo heshiiska waasiirka Batroolka iyo Macdanta.

War saxaafadeedka ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa sidaan lagu yiri:”Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka waxay caddeynaysaa in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.”

“Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7-dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiisay Wasiirka Batroolka.”Sidoo kale war saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in madaxweynaha uu faray hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takfilka hantida qaranka.

Dhanka kale Wax yar ka dib qoraalka Villa Soomaaliya ayuu Xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble isagana gaashaanka u daruuray heshiiska. Qoraal la soo dhigay barta facebook ee xafiiska ayaa sidaan lagu qoray.

“Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas darteed waxba kama jiraan.”

“Ra’iisulwasaraha ayaa qaadidoonaa talaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed.”

Xigashada Sawirka, MAERSK OIL

Qoraalka sawirka,

Sawir tusaale ah

Shirkadaan oo aad u daneysa inay baarto saliida gobolka Geeska Afrika ayaa heshiisyadaan ay la saxiixatay wasaaradda batroolka iyo macdanta Sooomaaliya waxuu u ogolaanayaa inay shidaal ka baarto gunta hoose ee biyaha Soomaaliya.

Richard Anderson, oo ah madaxa fulinta xeebaha ee shirkadda Coastline Exploration Limited ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiiska ay la galeen wasaaradda batroolka iyo macdanka ee xukuumadda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxaa ku yaalla ceelal dihan oo aad u badan, kuwaas oo aan weli la sahmin, kuna yaalla biyaha kulul ee adduunka, waxaa sharaf iyo farxad noo ah inaan qayb ka noqonno horumarinteeda mustaqbalka,” ayuu yiri Madaxda shirkadda ay heshiiskaan la gashay wasaaradda batroolka.

Waxuu intaas ku sii daray, “Dowladda Soomaaliya iyo Wasaaradda Shidaalka ayaa waqti iyo juhdi badan ku bixiyey sidii dalku u heli lahaa kaabayaal sharci iyo maamul oo ku habboon in lagu taageero baarista shidaalka iyo gaaska, iyadoo la meel marinayo sharciga Shidaalka, ansixinta heshiiska Dakhliga qeybsiga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah. iyo in la dhiso Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed si ay taageero joogto ah ugu bixiso kobaca la filayo.”

Soomaalida ma ku heshiisay qeybsiga kheyraadka dalka?

Wasiirka batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa mar sii horreysay sheegay in xilligan ay tahay waqti ku haboon in la soo bandhigo qorshaha maalgashiga Shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka oo ay BBC wax ka waydiisay dhinacyada saluugsan mashruuca Shidaalka Soomaaliya sida qaar ka mid ah maamul goboleedyada ayaa waxa uu sheegay in golayaasha baarlamaanka dowladda fedaraalka ay wada matalaan dhammaan gobolada Soomaaliya islamarkana ay iyaga sharci ka soo saareen qodidda Batroolka Soomaaliya.

“Way quman tahay inaan qorshana bilaawno sababtoo ah baarlamaanka Soomaaliya waxa matala xildhibaanno laga so doortay dhammaan maamul goboleedyada soomaaliya, sharcigana wuxuu soo maray intii loo baahnaa ee wada-tashi ah oo lagala tashaday dowlad goboleedyada iyo ururada bulshada rayidka iyo dhammaan waxgaradka Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiirka.

Mr Cabdirashiid ayaa intaa ku daray in sharciga Batoolka uu saxiixay madaxwaynaha uuna ku soo baxay faafinta rasmiga ah ee dowlada islamarkana “uusan khilaaf ka taagnayn”.

“Madaxwaynaha wuu saxiixay(Sharciga) wuxuuna ku soo baxay faafinta rasmiga ah, Soomaali-na way isku raacsan tahay maanta khilaaf kama taagna in sharcigaan uu yahay sharcigii hagayay Bartoolka Soomaaliya,” ayuu inta ku daray.

Dhibaatooyinka dalal badan ay ka dhaxleen shidaalka

Shidaalka oo la ogyahay in qiima sare uu ka joogo suuqyada caalamka, dalal badan na dhaqaale ahaan ay ku horumareen ayaa waxaa sidoo kale la ogsoon yahay in uu colaad iyo dhibaato horleh u horseeday dalal ay kamid yihiin labada Suudaan, Nigera iyo Ciraaq oo tusaale loo soo qaato dalalka ay dhiabaatada ugu badan kasoo gaartay dhibaatooyinka laga dhaxlo kheyraadka dabiiciga oo aan si wanaagsan loo qeybsanin.


Like it? Share with your friends!