Doorashada Aqalka Sare: Muuse Suudi siyaasiyiinta doonaya inay kursiga ka qaataan maxaad ka taqaannaa?


0

.

Xigashada Sawirka, AFP

Dorashada Aqalka Sare ee maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa u muuqata inay ka loollan adag tahay dhammaan doorashooyinka la mid ah ee Federaalka, maadaama ay usoo baxeen musharraxiintii ugu badnaa, kuwaasoo maanta khudbadahooda jeedinayay.

Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa dhawaan soo dhammeystiray liiska musharraxiinta, halka doorashadana la filayo inay dhacdo isbuucan.

Muusa Suudi wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta tartanka adag u galaya kuraasta Aqalka Sare, oo baarlamaanka hadda jiro uu ku soo metelayay Hirshabeelle.

Muusa Suudi Yalaxow

Khudbaddii uu maanta ka hor jeediyay xildhibaannada baarlamaanka ee maamulkaas ayuu kusoo gaabiyay; “Wax aan soo qabtay ma aqaanno, ,a ii ,iisaanna, sanduuqa dhalada ah ayaan ka arki doonaa, wax aan qaban doonana ma ogi, wixi Alle igu aaddiyo ayay noqon doonaan. Haddii aan xiulka u qalmo iigu celiya, haddii aad i dhibsateenna iga reeba.”

Ilaa afar siyaasi ayaa u xusul duubaya inay meesha ka saaraan Yalaxoow, oo afartii sano ee lasoo dhaafay Hirshabeelle ku malatayay Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdullaahi Sheekh Xasan, Dr Xasan Cadaay Cali iyo Axmed Xasan Cadoow ayaa ka mid ah, waxaana ay maanta jeediyeen khudbadaha ay xildhibaannada baarlamaanka hoose ee Hirshabeelle uga dalbanayaan inay codadkooda siiyaan.

Haddaba maxaan ka garaneynaa musharraxiinta loollanka culus galinaya Muuse Suudi Yalaxoow?

1- Cabdullaahi Sheekh Xasan

Sida uu isaga qudhiisaba maanta ka sheegay khudbaddii uu ka jeedinayay munaasabadda hadal jeedinta, waxa uu ku dhashay Hirshabeelle balse uu ku soo barbaaray magaalada Muqdisho.

Xigashada Sawirka, Social

Qoraalka sawirka,

Cabdullaahi Sheekh Xasan

Waxbarashadiisa waxa ay gaarsiisan tahay ilaa heerka labaad ee Jaamacadda, oo uu ku bartay cilmiga Maamulka Ganacsiga.

“Waxaan 1990-meeyadii macallin kasoo ahaa dugsiyada maxalliga ah. Waxaan ka mid ahaa aasaaseyaashii dalladaha waxbarashada ee gobolka Banaadir, gaar ahaanna waxaa guddoomiye u ahaa hay’ad la dhaho al-Kheyriya oo weli shaqeysa,” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Markii uu u wareegay dhinaca siyaasadda waxa uu ka qayb galay shirkii Carte ee ka dhacay dalka Jabuuti, kaasoo ugu dambeyntii lagu dhisay dowlad ku meel gaar ah.

Kaddib waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii ka qayb galay shirkii Kenya loogu qabtay Soomaaliya oo lagu soo dhisay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Khudbaddii uu maanta Jowhar ka jeediyay ayuu Cabdullaahi Sheekh ku sheegay inuu mar ka mid ahaan jiray guddi loo xil saaray inay kasoo shaqeeyaan sidii Soomaaliya hubka looga dhigi lahaa.

“Markii uu dagaalka dhex maray dowladdii Cabdullaahi Yuusuf iyo qolyihii maxkamadaha, waxaan ka tagay waddanka, waxaana dibad joog ku noqday dalka Britain muddo afar sano ah,” ayuu yiri.

Soomaaliya waxa uu dib ugu soo laabtay sanadkii 2011-kii, halkii ayuuna kasii waday dhaqdhaqaaqyada siyaasadda.

Inta uusan usoo istaagin xilka kursiga Aqalka Sare, jagadii ugu dambeysay ee uu soo qabtay waxay ahayd inuu noqday Wasiirka Dastuurka.

2- Axmed Casan Cadoow (Daaci)

Axmed Daaci waxaa aad loogu yaqaannaa inuu soo noqday guddoomiyihii Degmada Wadajir, xilligii ay jirtay dowladdii madaxweyne Shariif Sheekh Xasan.

Xigashada Sawirka, Universal Tv

Qoraalka sawirka,

Axmed Xasan Cadoow

Dhowr sano uu uu ka mid ahaa saraakiisha maamulka Gobolka Banaadir waxa uu qayb ka ahaa dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab ee kasoo horjeedda dowladda Soomaaliya.

Hase ahaatee, markii dambe isaga iyo dowladda Federaalka ayaa isku maan dhaafay howlgal hub ka dhigis ah oo la damacsanaa in lagu sameeyo siyaasigan.

Sanadkii 2014-kii ayaa mar la dhigay xabsiga, inkastoo lasii daayay muddo kaddib.

Bartamihii bishii August ee sanadkii 2014-kii ayay ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM weerar ku qaadeen guriga Axmed Daaci, halkaasoo uu dagaal ku dhex maray iyaga iyo ciidamo daacad u ah siyaasigan horay u ahaan jiray guddoomiyaha degmada Wadajir.

Wareysi uu xilligaas siiyay BBC-da ayuu ku sheegay in hubka uu haystay inuu isku difaaco.

Khudbaddii uu maanta u jeediyay xildhibaannada baarlamaanka Hirshabeelle kama uusan sheegin wax ku saabsan taariikhdiisa, siyaasad iyo waxbarasho toona.

3- Dr. Xasan Cadaay Cali

Dr. Xasan Cadaay Cali waxaa lagu yaqaannay inuu ahaa mid ka mid ah dhakhaatiirtii dalka kasoo howl galay muddadii, gaar ahaan xilligii burburka.

Qoraalka sawirka,

Dr. Xasan Cadaay Cali

Waxa uu ku dhashay degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, sida uu ka sheegay munaasabaddii hadal jeedinta musharraxiinta ee ka dhacday Jowhar.

“Waxbarashadeyda aasaasiga ilaa heer jaamacadeed waxaan ku qaatay gudaha Soomaaliya. Xilligii nabadda waxaan kasoo shaqeeyay isbitaalka Digfeer, sidoo kale waxaan ahaa madaxa qalliimka ee Isbitaalka Keysaneey,” ayuu yiri.

Waqtigii ay dagaallada ka socdeen dalka, ayuu sida uu sheegay howlo badan ka qabtay arrimaha bulshada iyo gargaarka caafimaadka.

4- Xaaji Muxudiin Xasan Afrax

Xigashada Sawirka, Social

Qoraalka sawirka,

Muxidiin Xasan Afrax

Liiska musharraxiinta u xusul duubaya inay booska ka saaraan waxaa kale oo ka mid ah siyaasi lagu magacaabo Xaaji Muxudiin Xasan Afrax.

Hase ahaatee, munaasabaddii hadal jeedinta ee maanta lagu qabtay magaalada Jowhar kama uusan soo muuqanin musharraxan.

Mudanayaasha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa laga dhowrayaa inay go’aan ka gaaraan dadka Aqalka Sare ku matali doona afarta sano ee soo socota.

Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee dhammaan maamul goboleedyada looga hirgelinayo xulashada matalaadda Baarlamaanka.

Inta u dhaxeysa bilaha October iyo November ayaa lagu wadaa inay qabsoonto doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka, taasoo waddada u xaari doonta doorashada xilka ugu sarreeya ee madaxweynaha.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *