Doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo ka socoto Boosaaso.


Spread the love

Boosaaso-KNN-Magaalada Boosaaso oo ah deegaan doorashada labaad ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxaa goordhow ka bilaabatay doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga Maamulka doorashada Puntland ayaa Sabti iyo Axad u kala asteeyay qabashada doorashada kuraas 16 ah kuwaa oo ay doorashadooda ay haatan ka socoto Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso hool ku yaala.

Waxaa la doortay kuraas dhowr ah,iyadoo ay kusoo kala baxeen badanaa xubnihii Guddiga ay horey u shaaciyeen magacyadooda, sidoo kalena ka mid ah xubnihii loo saadaalinayay iney kusoo baxaan doorashada kuraastaas.

Kursiga Hop#157, oo ahaa kursigii ugu horreeyay ee doorashadiisa la qabtay, waxaa ku guuleystay musharax xildhibaan Maxamuud Axmed Aadan Geesood, inkastoo Guddiga aysan shaacin musharaxii la tartamayay iyo Cododka uu helay.

Sidoo kale Magaalada Boosaaso, waxaa lagu qabtay doorashada Kursiga labaad oo ahaa Hop#227, waxaana doorashadiisa kusoo baxay Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Qambi.

Bashiir Cabdi Maxamed Maxamuud ayaa ku guuleystay doorashada Kursiga labaad ee Hop#273, kadib markii ay u tanaasushay Sahro Maxamed Maxamud Cali oo ahayd Haweeneydii la tartami lahayd.

Xildhibaan S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo loo garan ogyahay Ameeriko, waxaa uu soo noqday taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, balse haatan waxaa uu kusoo baxay kursiga Hop#227 oo deegaan doorashadiisu tahay Boosaaso.

Sidoo kale, Kursiga Hop#234, waxaa ku guuleystay Marwo Cabdi Bashiir Xaaji Cali, kadib markii ay guddigu sheegeen in ay ay u tanaasushay Aamina Cabdiwali Maxamed oo kursigaas kula tartami lahayd.

Waxaa isna Cod gacan taag ah ugu guulaystay Kursiga Hop#076 Muuse Axmed Ismaciil oo helay dhamaan 101 Codadka Ergada , kadib markii ay u tanaasushay Faaduma Ibraahim Ismaaciil oo la tartami lahayd, sida guddiga doorashada Puntland shaaciyeen.

Sidoo kale, Guddiga doorashada Puntland ayaa isna qabtay doorashada Kursiga Hop#169, waxaana ku tartamay  Musharaxiinta kala ah Cali Mahdi Maxamed Cali iyo Xafsa Cali Axmed, iyadoo uu ku guleystay doorashada kursigaas Cali Mahdi Maxamed oo helay 97 Cod oo ahayd Ergada fadhiday hoolka.

Doorashada kursiga Hop#169, ee uu kusoo baxay Cali Mahdi, waxaa horey ugu fadhiyay Xildhibaan ahna Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan kaas oo waday mudooyinkii ugu dambeeyay qorsho ah sidii uu ugu soo laaban lahaa, balse waxaa la sheegay in uu culeys kala kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Maxamed Bashiir Cali ayaa ku guuleystay doorashada Kursiga Hop#083 isagoo helay 95 Cod, waxaana ku tartamay isaga iyo Aamino Maxamed Ciise, Iydoo tartanka doorashada ay iskaga hartay Aamino, sida ay shaaciyeen Guddiga.

Kursiga Hop#220, waxaa ku guuleystay Cali Xaaji daahir, kadib markii uu ka haray tartanka murrashax Axmed Burhaan, Iyadoo dhammaan 101 Ergo Codka kalsoonida siiyeen Cali Xaaji daahir.

Sidoo kale, Kursiga Ugu dambeeya ee sideedaad waxaa uu ahaa kursiga tirsigiisu yahay Hop#149, waxaana ku tartamay musharixiinta kale ah  Faysal Axmed Maxamud iyo Faa,isa C/xakiin Maxamed, iyadoo doorashada kursigaas uu kusoo baxay Faysal Axmed Maxamud, kaas oo helay cododka dhammaan 101 Ergo, kadib markii ay Tartanka isaga hartay Faaisa Cabdixakiin.

Weli waxaa dhiman doorashada kuraas kale oo gaaraya 6- kursi, maadama Guddiga ay horey u shaaciyeen qabashada doorashada 16-kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ee BS, Inkastoo kuraasta maanta ay qabteen badankooda ay ahaayeen kuwa aan lagu tartamin, balse ay ahaayeen kuwa furan.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments