Doorashada Madaxwaynaha Waxa Ka Hadhay 80 Maalmood, Mudo Xileedka Madaxwaynaha & Ku-xigeenkana 110 Maalmood Oo Kali Ahi


Spread the love
W/Q: Mohamed Abdi Jama

( labada xisbi mucaarid
sharciyan 26 Dec waxii ka dambeeya iyaguna axsaab ma ahaanayaan sida dalku u
socdana doorasho san-saanteed ma muuqato !!! )

 

 

Mudo xileedka
madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland iyo madaxweyne kuxigeenku waa 5 sanadood
oo ka bilaabma maalinta xilka loo dhaariyo sida ku cad qodobka 88naad ee dastuurka
jamhuuriyada Somaliland qaybtiisa 1aad , waxaa ka hadhay mudada sharciga ah waa
110 maalmood oo kaliya.

 

Sidoo kale mudo
xileedka madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland hadii ay doorashadu qabsoomi
waydo kaliya waxa korodhsiimo sheegaya qodobka 83naad qaybtiisa 5naad oo  sababtu tahay in doorashadu u qabsoomi wayday
sababo nabadgelyo daro awgeed.

 

Haddaba hadii aanay
dhicin sababaha ku xusan qodobka 83naad faqradiisa 5naad iyo waliba qodobka
86naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland oo ah asbaabta kursiga madaxweynaha
iyo kuxigeenku ku banaanaan karo, waxaa jamhuuriyada Somaliland curfi soo ahaa
in aan dalku galin xaalad madaxweyne la’aan ( Vacuum) oo madaxweynaha uu badelo
uun madaxweyne kale , waxaana qasab noqonaysa korodhsiimo mudo xileed.

 

Dhinaca kale hadii
mudada kooban ee 80 ee ka hadhay doorashada madaxweynaha  lagu soo dhameystiro hay’adii qabanaysay
doorashada waxa ugu horeeya ee laga filayaa waa in ay cadeeyaan xiliga ay dalka
doorasho ka dhaceyso oo ay madaxweynaha usoo gudbiyaan isla markiiba
madaxweynuhuna u gudbiyo golaha guurtida jamhuuriyada Somaliland oo ah golaha
kaliya ee sharci u haysta in uu madaxweynaha & kuxigeenka madaxweynaha
mudada xilka u kordhiyo.

 

 

Haddaba waxa isweydiin
leh madaxweynuhu hadii ay 13 Nov noqoto iyo hadii ay dhamaadka mudo xileedkiisa
ee 13 Dec tahayba isaga ayaa sharciyan madaxweyne ahaanaya, waliba ilaa
madaxweyne kale la dooranayona kursiga isaga ayaa fadhiyaya ee labada xisbi
mucaarid hadii ay 26 Dec gaadho iyaga wakhtigoodii wuu dhamaaday mana jiro
dastuur iyo xeer u kordhinayaaye maxay ku talogaleen ?

 

Isku soo wada ururi
ilaa hadda waxa muuqata in xisbiyada mucaaridku ku jiraan khilaafkii iyo
murugii hore ee gudiga doorashooyinka 2017 ilaa 2020 oo ay ku hungoobeen
doonistoodii iyo kii gudigii ka dambeeyey oo isagana ay sidii madaxweynuhu
waday wax u dhaceen, maantana waxa muuqda in madaxweynahana loo kordhinayo
iyagana ruqsadii xisbinimo ka dhamaaneyso !!!

 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil


Like it? Share with your friends!