Doorashooyinaka Dalalka Geeska Africa 2020 Ilaa 2023 Maxaa Ka Soo Baxay?


Spread the love

Ilaa hadda ma jiro heshiis siyaasadeed oo laga gaadhay

Sanado aduunka iyo dadka ku nool gobolka Geeska Africa
rajeynayeen isbadelo dimuqaraadiyadeed iyo horumar siyaasadeed oo dawladaha
gobolku ku talaabsadaan ayaa lagu jiraa dabayaaqadiisii.

 
09- April-2021 waxaa dib loo doortay markii 5naad
madaxweynaha jamhuuriyada Djibouti Isma’el omer Ghuelle oo dalkaasi madaxweyne
ka noqday 1999 kii.

 
Halkaasi waxaa ku baaba’day rajo iyo isbadel dadka reer
Djibouti rajeynayeen in mar uun ay dalkaasi ka dhacaan doorashooyin xor iyo
xalaal ah oo dadweynaha Djibouti arkaan isbadel siyaasadeed.

 
21-June-2021 waxa loo dareeray doorashooyinka baarlamaanka
Ethiopia 6 Gobol oo ka mid ah waxaana la doortay mudaneyaal ka badan 400
xildhibaan , halka ay dib u dhaceen 47 deegaan doorasho oo hoos yimaada
Gobolada soomaalida , Hererida iyo Tigray oo qayb ka mid ah la qabtay 21 Sept
2021.

 
10-july-2021 ayaa la sheegay in xisbiga Barwaaqo ee Ethiopia
ku guuleystay 410 kursi oo ka mid ahaa 436 kursi oo doorashadii 21 June 2021
dhacday , halkaasina waxa si dhab ah loogu doortay Abiy Ahmed oo ahaa
gudoomiyaha iyo murashaxa xisbiga barwaaqo waxaana 4-oct-2021 loo dhaariyey
raisal wasaaraha Ethiopia ee shanta sanadood ee soo socota.

 
15 May 2022 waxaa lagu qabtay xarunta Afisiyoone doorashadii
madaxweynaha soomaaliya oo aad u xasaasi ahayd markii mudo dhaaf ku yimid xili
doorasheedkii isla markaana uu dalkaasi galay khalkhal iyo isku hor imaadyo
amniga khalkhal galiyey waxaana lagu doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
oo mar labaad talada ku soo laabtay isaga oo hore madaxweyne u ahaa 2012 ilaa
2017.

 
31-May-2021 waxaa dalka jamhuuriyada Somaliland looga
dareeray doorashooyinkii golaha wakiilada iyo golayaasha deegaanka dalka
halkaasi oo ay ku tartameen xisbiga talada haya iyo laba xisbi oo mucaarid ahaa
.
 
06 June 2021 ayaa lagu dhawaaqay natiijadii waxaana tiradii
ugu badnayd helay isbahaysigii axsaabta mucaaridka ah oo ku guuleystay golaha
wakiilada iyo golayaasha deegaanada dalka , waxaana ay heleen ilaa 5 mayor oo
ka mid ah 7 degmo A da ah iyo Afhayeenkii golaha wakiilada ( shirgudoonka)

 
09-Aug-2022 dalka Kenya waxa looga dareeray doorashooyinkii
madaxweynaha, baarlamaanka, golaha sare iyo goleyaasha deegaanada waxaana ay
ahayd doorasho xasaasi oo aad aduunku indhaha ugu hayey maadaama ay tartamateen
dhinacyadii isku dilay doorashadii 2007.

 
15-Aug-2022 ayaa komishankii doorashooyinka ee Kenya ku
dhawaaqeen in uu guuleystay hogaamiyihii mucaaridka oo ahaa madaxweyne
kuxigeenkii dalka William Ruto , waxaa doorashadii diiday Raila Odinga oo uu
waday madaxweynaha mudadiisu dhamaatay ee Uhuru kenyatta.

 
09-Sept-2022 maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa ku
dhawaaqday in natiijadii doorashadii Kenya sax ahayd oo sidii komishanka
doorashooyinku ugu dhawaaqeen William Ruto yahay madaxweyne la doortay, dadka
reer Kenya waxaa u bilaabmay isbadel siyaasadeed oo aan hore loo arag laga soo
bilaabo 1963kii.

 
13 Nov 2022 waxaa u astaysnayd doorashada madaxweynaha
jamhuuriyada Somaliland waxaana dib u dhac ku keenay khilaaf iyo murug
siyaasadeed oo dalka hadheeyey Sept 2022 ayuu sheegay gudiga doorashooyinka
Somaliland in ay ku qaban karaan 9 bilood oo ka bilaabmaysay 1-oct-2022.

 
Ilaa hadda ma jiro heshiis siyaasadeed oo laga gaadhay
doorashadii madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo aduunka badankiisu indhaha
ku hayo maadaama jamhuuriyada Somaliland ahaa dal hogaan iyo hormood ku ahaa
hanaanka doorashooyinka iyo dimuqaraadiyada Geeska Africa.

 
Axsaabta mucaaridka dalka ayaa 13 Nov 2022 sheegay in aanay
aqoonsanayn madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo uu mudo xileedkiisii
dhamaaday xili ay u hadhsanayd 1 bil ( one month ) waxaana abuurmay sawaxan iyo
buuq siyaasadeed oo hor leh.

 
19 Nov 2022 madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland iyo
xisbigiisa ayaa soo saaray in ay dastuurka dalka jabiyeen labada xisbi mucaarid
isla markaana ay luminayaan dhamaan xuquuqihii dastuuriga ahaa , hadalkani oo
noqday mid aad loola yaabay ayaa isaguna xaaladii wadanka dab ku sii shiday…
!!!

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil


Like it? Share with your friends!