Doorkani Gaboose Waxa Uu Rabaa In Uu Ku Soo Baxo Xirfadii Cirro Iyo Jidkii Ururka Waddani Soo Raacay 2012.


Spread the love
W/Q: Mohamed Abdi Jama

Markii ururada siyaasada Somaliland la furey markii labaad oo ahaa 2012
ayaa Dr Mohamed Abdi Gaboose oo ahaa siyaasi cabqari ah ayaa intii uu xilka
wasiirka arimaha gudaha hayey waxa uu mucaarid iyo durid adag uu kala hortagay
Muuse Biixi iyo xisbiga kulmiye oo markaa xukuumada gaar ka ahaa.

Markii uu Dr Gaboose xukuumada dibada uga baxayna waxa uu ku dhawaaqay
ururkii Ummadda oo mucaaradad xoogan xisbiga kulmiye iyo xukuumadii Axmed
Maxamed Siilaanyo oo ahayd mid u nugul dhaliisha aadna u neceb mucaaridada kala
hor yimid.

Isla xiligaasi waxa urur siyaasadeed ku dhawaaqay Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdilaahi Cirro oo la garan la’aa in uu mucaarid yahay iyo in uu muxaafid
yahay,  bal ee waxaaba lagu xamanayey in
xukuumada kulmiye u furtey iyo in Dahabshiil wax ku leeyahay.

Ururkaasi oo ahaa waddani waxa markii laga yaabay sidii uu u socday
dhaqaalaha uu isticmaalayey iyo awoodiisa qofwaliba oo reer Somaliland ahi
saadaaliyey in uu kaalinta koowaad ku soo baxayo waliba xiligaasi xisbiga
kulmiye waxa isku dhex haystay kooxdan waddani joogta iyo kornayladan dalka
haysta oo xaaladiisu may wanaagsanayn.

Isku soo wada xoori oo wareysiga Dr Gaboose oo aan daawaday ayaan u
fahmay in uu ka jawaabayey qoraalo hore oo aniga iyo dad kaleba ku dhaliilnay
in uu rajiimkan jooga amaan huwiyey xili looga hanweynaa qaabkaa uu u hadlay
ayaa ku sifeeyey in uu wax badan ka bartay dhawrkii goor oo hore una muuqata in
uu sidani dan mooday.

Hadalkiisani waxa uu i xasuusiyey maalmihii waddani lagu dhawaaqay ayaa
waxa galay mujaahid weyn oo kulmiye xumeeyey Maxamed Cali Jidhif , dabadeedna
anaga oo ka xanaaqsan ayaanu Cabdi Reygal Beegsi hotel guuleed kula kaftanay in
uu mujaahidkayagii dham’ay ( dayoobay ) oo uu madaxtooyadii iyo kulmiye uu
albaabka dambe ka soo galay mar haduu waddani galay.

Dabadeedna kaftan dheer oo aanu bun ku dul sheekaysanay ayuu nagu
fahansiiyey waxii kala kulmay madaxweynaha maalintii lagu dhawaaqay iyo in ay
qaabkan ay isticmaalayaan dan modeen si ay yoolkooda u gaadhaan…

Markaa Dr Gaboose imika wadadan uu qaaday dan ayuu mooday e ma laga
yaabaa in uu ururkiisa kula soo bixi karo si mar uun uga mid noqdo sadexda
xisbi qaran ee tobanka ( 10 ) sanadood ee soo socda si uu fursad ugu helo in uu
mar uun u tartamo madaxwaynaha qaranka jamhuuriyada Somaliland.

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments