UK ayaa siisa tababaro horudhac ah ciidamada Midowga Afrika (AU) ee ka socda wadamada saaxiibka la ah, xilli ay isku diyaarinayaan in ay ka taageeraan ciidamada Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Sidoo kale in ka badan 70 askari oo British ah ayaa ku sugan Soomaaliya, waxaana ay tababareen ku dhawaad 1,000 askari oo Soomaali ah iyo macalimiin si ay si ay uga caawiyaan dhisidda awooddooda.
Wasiir Heappey ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali iyo wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ay ka wadahadleen sidii Soomaaliya ay horumar u gaari lahayd.
Waxa uu sidoo kale la kulmay oo uu la hadlay ciidamada Britain ee haatan ka caawinaya dib u habeynta laamaha amniga Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada ATMIS Lt Gen Diomede Ndegeya oo uu kala hadlay caqabadaha ay la kulmaan.
Hawlgalka ATMIS-ta ee ay Qaramada Midoobay taageerto ayaa dhawaan bedelay hawl-galkii hore ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyadoo dib u habeyn lagu sameeyay si loo sii ambaqaado howlgalka iyadoo mas’uuliyadda amniga lagu wareejinayo ciidamada Soomaaliya.