0

पाकिस्तान

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka,

Dr Abdul Qadeer Khan wuxuu ku dhashay Bhopal, intii aan Hindiya la kala qeybin

Saynisyahankii nukliyeerka ee Pakistan, Dr Abdul Qadeer Khan, ayaa saaka arroortii geeriyooday, wuxuuna ahaa 85 sano jir.

Wasiirka Gaashaandhigga Pakistan Pervez Khattak ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray warka geerida saynisyahanka isla markaana geeridiisa ku tilmaamay inay murugo weyn u tahay Pakistan.

Khattak ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Pakistan mar walba way xushmeyn doontaa shaqada uu Dr. Khan u qabtay dalka. Waddanka mar walba abaal buu Khan uga hayaa xoojinta awooddeeda difaaca.

Sida laga soo xigtay Radio Pakistan, Dr Qadeer Khan ayaa la geeyay isbitaal, kaddib markii ay xaaladdiisa caafimaad ka sii dartay.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa qoraal uu Twitter-ka soo dhigay sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida Dr. Qadeer Khan.

Qoraalkiisa, ayuu Imran Khan ku yiri: “Geerida Dr Abdul Qadeer Khan waa mid aad murugo u leh. Dadka aad bey u jeclaayeen sababo la xiriira doorka muhiimka ah ee uu ku lahaa quwadda nukliyeerka Pakistan. Tan waxay Pakistan ka difaacday dalka deriska la ah ee nukliyeerka ku hubeysan. Wuxuu dadka Pakistan u ahaa dhiirrigeliye.

Wasiirka Warfaafinta Pakistan Chaudhry Fawad Hussain, ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida Dr. Qadeer Khan. Qoraal uu soo dhigay Twitter-ka, ayuu Chaudhary Fawad Hussain ku yiri, “Dalka oo dhan waxaa naxdin ku noqotay geerida Dr. Qadeer Khan. Waxa uu dalku u qabtay wax loo dhigo ma laha.

Waa kuma DR. Khan?

Dr Abdul Qadeer Khan wuxuu ku dhashay Bhopal, intii aysan Hindiya kala qeybsamin. Dr. Khan ayaa Pakistan la yimid dhammaan qoyskiisa, kaddib kala go’ii Hindiya. Dr Abdul Qadeer Khan ayaa maalmihii la soo dhaafay isbitaalka lagula tacaalayay xaaladdiisa caafimaad.

Dr Khan waxaa sidoo kale lagu magacaabaa aabbaha barnaamijka nukliyeerka ee Pakistan. Toddobaadkii labaad ee bishii la soo dhafaay, wuxuu dowladda Imran Khan ku eedeeyay inay dayacday.

Abdul Qadeer Khan, wuxuu udub dhexaad u ahaa fadeexaddii nukliyeerka adduunka ee sannadkii 2004.

Waxaa lagu eedeeyay faafinta agabka nukliyeerka. Sidoo kale madaxii hore ee ciidamada Pakistan iyo Madaxweyne Pervez Musharraf, ayaa arrintaasi ku eedeeyay Khan.

Farriin muuqaal ah, ayuu Dr Khan ku qirtay inuu teknolojiyadda nukliyeerka ka iibiyay Iran, Kuuriyada Waqooyi iyo Libya.

Balse markii dambe wuu ka laabtay. Sannadkii 2008, wuxuu Dr Khan wareysi uu siiyay wargeyska Britain ka soo baxa ee The Guardian ku sheegay in cadaadis uu uga imaanayay Madaxweyne Pervez Musharraf, taasina ay tahay sababta uu u codsaday inuu iibiyo.

Dr Khan ayaa sheegay in arrintaas uusan ka qiran maskaxdiisa, balse uu cadaadis saarnaa. Wareysiga, ayuu ku sheegay inuu sidoo kale diiday inuu u hoggaansamo baaritaanka Hay’adda Quwadda Atoomikada Adduunka.

Dr. Qadeer Khan ayaa yiri: “Maxaan ula hadlayaa? Ima quseyso. Ma aynaan saxiixin heshiiska nukliyeerka. Meel ugama dhicin shuruucda caalamiga ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Dr Abdul Qadeer Khan

Dr Khan ayaa u sheegay Majaladda Dawn, mid ka mid ah wargeysyada ugu caansan Pakistan: “Aad ayaan u niyad jabsanahay. Midna Ra’iisul Wasaare Imran Khan iyo xubin ka mid ah golihiisa isma weydiin caafimaadkeyga.”

Dr. Qadeer Khan ayaa sidoo kale loogu yeeraa ‘Mohsin-e-Pakistan’ Ilaaliyaha Pakistan. Sida uu tebiyay Radio Pakistan, waxaa la geeyay isbitaal ku yaalla gudaha dalkaas kaddib markii ay xaaladdiisa ka dartay.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Pakistan (AAP), Dr Khan ayaa 26-kii August la geeyay Research Laboratories Hospital kaddib markii uu ku dhacay xanuunka Covid-19.

Kaddib waxaa la geeyay isbitaalka ciidamada oo ku yaalla Rawalpindi, halkaas oo markii ay xaaladdiisa ka sii dartay lagu xiray qalabka qofka Oksojiinta ka caawiya.

Markii Dr Khan la geeyay isbitaalka, hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ugu weyn Pakistan, Shahbaz Sharif ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka walaac kaga muujiyay xaaladdiisa.

Qoraalkiisa, ayuu Sharif ku yiri, “Warka Fakhr-e-Pakistan Dr Abdul Qadeer Khan oo lagu xiray qalabka hawada Oksojiinka waa mid aad murugo u leh. Waxaan bulshada ka codsanayaa inay u duceeyaan Dr Khan.”


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *