0

Wargeysyada ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya in ay Real Madrid doonayso in ay la soo saxiixato xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah wakhtiga soo socda.

Sida laga soo xigtay wargayska Mundo Deportivo, Real madrid ayaa doonaysa saxiixa Salah suuqa soo socda iyada oo Real Madrid adeegsan doonto xiddiga Eden Hazard si ay u hesho Mohamed Salah.

Wararka ayaa sheegaya in ay Real Madrid diyaar u tahay in ay lacag iyo waliba Eden Hazard u soo bandhigto Liverpool si ay u hesho saxiixa xiddiga Mohamed Salah xagaaga dambe.

Eden Hazard ayaa dhanka kale ku dhibaatoonaya Real Madrid tan ilaa markii uu ku biiray kooxda waxana uu ku dhibaatoonayaa dhaawacyo si joogto ah u soo gaadhaya xiddiga.

Mohamed Salah ayaa Liverpool kula jira heshiis ilaa xagaaga 2023 waxana uu ilaa haatan diidanyahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Liverpool.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Ogaato In Uu Qof Kaa Fog Kuu Xiisay? Calaamadahan Ayaad Kuu Sheegaya.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *