Faah faahino laga helayo dil laba ruux oo Soomaali ah loogu geystay Mareykanka


Spread the love

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya laba nin oo Soomaali ah, kuwaa oo saacadihii la soo dhaafay si isku mid ah loogu kala dilay magaalooyinka Indianapolis iyo Seattle Washington.

Allaha u naxariisto, magaaladda Indianapolis ee dalka Mareykan nin hubeysan ayaa toogashu lagu dilay nin magaciisa lagu soo koobay Abdukadir Filanwaa oo ahaa Darawil .

Booliiska magaaladda Indianapolis ayaa dilka Abdulkadir Filanwaa u qabtay 30-year-old James Riley oo jira 30-sanno iyo and Alysianna Martin oo jirta 29-sanno.

Muuqaal ay duubtay kaamarad ku xiran baabuurka tagsiga ee uu waday marxuun Abdukadir ayaa qabatay qaabkii loo dilay marxuunka iyo wixii dhexmaray isaga iyo ninka dilka geystay.

Ninka iyo naagta loo haysto dilka marxuun Abdulkadir Filanwaa ayaa xiran oo xabsi ku jira, waxaana lagu soo oogay dacwad la xiriirta dilkan.

Magaaladda Seattle Washington ayaa habeenkii waxaa isagana toogasho lagu dilay Allaha u naxariisto ee Mohamed Kediye oo isaguna ahaa dalawar ku shaqeysta waditaanka ganacsiga gaadiidka ee Lyft.

Mohamed Kediye ayaa shaqo ku jiray oo baabuurka ku waday qof kaddibna baabuur kale ayaa soo garab istaagay qof babuurka kale saaran ayaa toogasho ku dilay Allaha u naxariisto ee Mohamed Kediye.

Booliiska magaaladda Seattle ayaa sheegay in ayna weli qofna u qaban dilka Mohamed Kediye, balse waxay sheegeen in ay wadaan baaritaan la xiriira dilkiisa.


Like it? Share with your friends!