Mushquul
aan ahaa mudo ma tigin, galab aan shaqada ka soo baxay oo jimce ah bari oo
kalena aan fasax ahay baan ku sii daayay mikhaayadii Soomaalida intaan idhi
waar bal ragii lasoo sheekeyso. Markaan soo galay gees baan fadhiistay shaah
iyo saanbuun baan dalbaday. Waxa isoo ag fadhiistay oo isna markaa soo galay
nin Galbeedka Burco ah
Isaga:
waar inaadeer ii waran ayaantan waa lagu waayoo laguma arage
Aniga:
Waa nabade, waan joogee iska waran
Isaga:
Kheyre, Bariga burcooy sow codka nasiin maysaan hadda wataan gudoomiyihiina
idin siinee
Aniga:
Waxaa cod kuma bixinee
Isaga:
Oo waayo ileen Muusena waad ogtahay siduu idiin galee
Aniga:
Siduu noo galay? Muuse iska daayo maxaa haysaan idinku?
Isaga:
Gudoomiyihii uu Muuse idiin diiday baan idin siinay isku degaana waan nahay
markaa hadda reerka inta kale waa waddani miyaad ka duwan tahay adigu.
Aniga:
Waar jeegaantu waa soo noqonaysaa
Isaga:
Oo markaa meeshu ma mikhaayad aad idunku leedihiin baa? Waa markaygii haddii
kale dagaal baan ka xignaa.
Horta
haddaad xisbi u olololaynayso waan aad sheegi karto wax aad dadka ku soo
jiidato, haddii kale waa in aad iska aamusto ileen adaaba dadka ka eryaya
xisbigeeye.
Qorshe
iyo barnaamij cad oo ay Hogaanka sare iyo tageerayaasha hoose raaci karaan oo
kursiga lagu gaadhayo waa in ay layimaadaan reer Waddani qaylo iyo muran cad lagama rabee.
W/Q:Abwaan
Cabdiraxmaan