Falal argagax leh oo ka dhacay Itoobiya


Spread the love
Xabaalo-wadareed Itoobiya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Weerraro hor leh ayaa ka dhacay tuulooyin fogfog oo ku yaalla galbeedka gobolka Oromiya ee Itoobiya. Dad badan ayaa ku dhintay, guryana waa lagu gubay sida ay goobjoogeyaal u sheegeen BBC-da.

Weerarradan oo billowday abbaarihii lixdii aroornimo ee shalay ayaa socday ugu yaraan saddex saacadood. Waxay ka dhaceen degmada Hawa Gellan ee gobolka Oromiya, waxaana lagu beegsaday tuulooyin ay ku nool yihiin dad looga tirada badan yahay aaggaas ee ka soo jeeda qowmiyadda Amxaara.

Rabshadaha ugu dambeeyay ayaa yimid labo toddobaad kaddib weerarro la mid ah oo ka dhacay galbeedka gobolka Oromiya oo sida laga soo xigtay dowladda lagu dilay 338 qof oo rayid ah.

Way adag tahay in la xaqiijiyo tirada dhabta ah ee dadka la dilay maaddaama aan wali la wada helin meydadka dadka loo malaynayo in la laayay. Laakiin, waxaa laga yaabaa in ay kor u dhaafto 150 qof oo ay ku jiraan carruur, sida ay sheegeen labo ka tirsan goobjoogeyaasha.

Tobaneeyo guri ayaa sidoo kale la gubay sida ay sheegeen dadka deegaanka ku nool, walow ay haatan dad badan oo weerarkaas ka badbaaday ay ku dhuunteen  masaajidda.

Raysul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa Jabhadda Xoreynta Oromada ee OLF ku eedeeyay inay mar kale xasuuq ka geysteen galbeedka dalkaas.

Abiy Axmed oo bartiisa Twitter-ka farriin soo dhigay wuxuu sheegay in Jabhadda OLF ay dad ku xasuuqday galbeedka deegaanka Oromada.

Hase yeeshee, farriintiisa ma soo raacin tirada dadka uu sheegay inay Jabhaddu ‘xasuuqday.’

Hase yeeshee, Xisbiga Mucaaradka ah ee ‘Baldaras’, wuxuu sheegay tuulooyin ku yaalla galbeedka deegaanka Oromada inay Jabhadda OLF maanta ku xasuuqday boqollaal qof oo rayid ah.

Labo toddobaad ka hor deegaanka Gimbi ee ku yaalla galbeedka dalka Itoobiya waxaa lagu dilay boqollaal qof oo qowmiyadda Amxaarada ka soo jeedda.

Dowladduna tirada dadka halkaas lagu dilay waxay ku sheegtay 330 qof, halka ay ilo-wareedyo madax-bannaan ay tirada dhimashada gaarsiinayaan 600 oo qof.

Wasiir ku-xigeenka isgaarsiinta Itoobiya, Kebede Desisa ayaa BBC-da u sheegay in uusan haynin xog faahfaahsan, halka maamulka gobolka Oromiya uu ka gaabsaday inuu wax jawaab ah siiyo BBC-da oo marar badan su’aalo ka weydiisay dhacdadan.

Hase yeeshee, ururka xuquuqda aadanaha ee ay dowladdu magacowday ayaa sheegay inuu ka warqabo dhacdadan oo haatan uu isku deyayo inuu xog dheeraad ah ka helo dadka deegaannadaas ka qaxay.

Ciidamada fallaagada Oromada oo lagu eedeeyay weerarradii labo toddobaad ka hor, ayaa iska fogeeyay eedeymihii hore. Laakiin, weli kama aysan jawaabin dhacdadan ugu dambeysay.

Deegaannadaas ay dhibaatadu ka dhacday waxaa ku nool qowmiyadda Amxaara oo la dejiyay dhulkaas sideetamaadkii markii ay abaaraha ba’ani ku dhufteen waqooyiga dalkaas.

Waxay dhacdadan u dambaysay marag u tahay in Itoobiya ay weli ku jirto xaalad amni-darro ah.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments