0

Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ayaa go’aankii la sugayey ee dacwadda Xadaynta Xuduudka Badda Soomaaliya iyo Keenya soo saartay maanta. Soomaaliya ayaa 2014kii waxa ay maxkamadda u gudbisay dacwad ay ku codsanayso in la calaammadeeyo xad badeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo Keenya illaa dhul badeedka ka dambeeya qalfoof badeedka. 

Labada dal waxa ay gudubsadeen dooddoodii oo qoraal ah iyo jawaabo qoraalladaas khuseeya. Dhagaysiga dacwadda Keenya wey ka maqneed, laakiin maxkamaddu way guda gashay sida uu qabo xeerka maxkamadda. Waxa aan hoos si kooban ugu faahfaahinayaa go’aanka maxkamadda.

1. Waa jireen heshiisyo ay galeen dalalkii gumaysaneyey Somaaliya iyo Keenya ee Talyaaniga iyo Ingiriiska oo khuseeyey barta xuduudka,laakiin xad badeedka u dhaxeeya labada dal weligiis qaab sharci ah looma xadeyn. Keenya dhulka dacwaddu khusayso waxay ay ka ijaaatay shirkado inta aan dacwaddu billaaban. Dowladda Soomaaliya way ku saxsaneed in ay maxkamadda weydiisato in si joogto ah loo xadeeyo xuduud badeedka labada dal u dhexeeya.

2. Dooddii Keenya oo ahayd xudduud badeedka labada dal u dhexeeya waa xadaysan yahay oo heshiis ayaa lagu yahay isaga oo ku salaysan xarriiqa ku dherersan xadka (parallel of latitude). Waxa ay Keenya sheegtay in ay 1979kii iyo 2005tii sheegteen xadkooda, Soomaaliyana ayna ka hor imaan oo aamusnaan ku aqbashay. Maxkamaddu waxa ay sheegtay in Xeerka Biyaha Badda ee Keenya oo soo baxay 1972dii iyo Xeerka Qaybaha Badda oo 1989kii oo Keenya oo soo baxay ay ka hor imaanayaan sheegashadaas. Sidoo kale sharciyo Soomaaliya soo saartay 1988 iyo 1989 ayaa diidaya doodda Keenya oo ah Somaaliya way aqbashay cabirka Keenya.Tan kale, gudbintii codsigii kordhinta qalfoof badeedka oo ka dambeeya 200 bayl badeed ee Soomaaliya iyo Keenya gudbiyeen 2009kii  ayaa taas ka hor imaanaya. Waxa kale oo maxkamaddu sheegtay in Heshiiskii Isafgaradka ahaa ee Soomaaliya iyo Keenya galeen uu sheegashadaas ka hor imaanayo isaga oo qorayey in aan xuduudku calaamadaysayn oo labada dal ka heshiin doonaan. Maxkamaddu waa diidday doodda Keenya oo waxa ay sheegtay in ayna Soomaaliya si cad oo joogto ah u aqbalin xuduudkaas Keenya sheegatay, xad badeedka labada dal u dhexeeyana uuna xadaysnayn.

3. Keenya waxa kale oo ay ku doodday haddii laga diido in xad badeedka labada dal u dhexeeya uu callaamadaysan yahay, in hadda la xadeeyo iyada oo xarriiqa lagu dhererinayo barta xadka (parallel of latitude). Maxkamaddu dooddaas way ka diidday dalka Keenya oo waxa ay qaadatay qaabkii Soomaaliya dalbatay oo ahaa nidaamka equidistance.  Maxkamaddu waxa ay qaabkaan u martaa saddex waji sida ay ku sharraxday kiiskii Xadaynta Badda Madow oo ku dhexeeyey Romania iyo Ukraine. Marka hore waxaa la samaynayaa xariiq ku meel gaar ah. Wejiga labaad waxaa la qiimeeyaa haddii ay jiraan duruufo keenaya in laynka la qalloociyo oo adjustment lagu sameeyo. Midda saddexaadna waxaa la fiiriyaa in xariiqa ama sidiisa ha ahaado ama hala qalloociyee uu saami ahaan saxan yahay (proportionality test). 

4. Keenya waxa ay ku doodday in ay jiraan shan arrimood oo keenaya in xarriiqa la qalloociyo.Tan koowaad, waa arrin amniga khusaysa oo walwal ayaan ka qabnaa ammaanka marka la fiiriyo xaalka Soomaaliya ayey ku doodday. Maxkamadda waa diidday dooddaas oo waxa ay sheegtay in xaalka Soomaaliya ahayn mid joogto ah oo uu isbeddeli doono, ammaan darrada dhulkana ayna qasab ahayn in ay badda saamayso. Tan labaad, Keenya waxa ay ku doodday in dhaqanka gobolka iyo sida ay badda u xadeeyaan ay keenayso in xarriiqa la qalloociyo. Maxkamaddu waa diidday dooddaas. Tan saddexaad Keenya waxa ay ku doodday in kalluumaysatadeeda ayna helayn meel ay maraan. Maxkamadda taasna waa diidday oo waxaa ay sheegtay in meelaha kalluumaysatadu ku xirtaan inta badan ayna ahayn dhulka dacwadu khusayso. Tan afaraad Keenya waxa ay ku doodday in dhaqanka labada dal oo ku aadan baaritaanka shidaalka iyo kormeerka ciidammada badda ay tahay in xarriiqa la qalloociyo. Maxkamaddu dooddaanna way diiday. Tan afaraad oo Keenya ku doodday ayaa ahayd in ay marinka badda ka soo xirmayo oo aad u yaraanayo. Maxkamadda iyada oo xiganaysa kiis Arbitral Tribunal qaadday oo u dhexeeyey Guinea/Guinea-Bissau in gobolka Galbeedka Afrika oo dhan la tixgeliyey. Hadda ay maxkamaddu tixgelisay xadka Soomaaliya, Keenya iyo Tanzania. Maxkamaddu waxa ay caddeysay in ayna heshiiska Keenya iyo Tanzania ayna saamayn ku lahayn tixgelinta. 

5. Maxkamaddu waxa ay go’aamisay in biyaha badda Soomaaliya (territorial waters) oo ah 12 mayl badeed laynka sida Soomaaliya u rabtay ahaanayo oo aan la qalloocinayn ama adjustment lagu samaynayn.

6. Maxkamaddu waxa kale oo ay go’aamisay in xarriiqa dhanka waqooyi loo qalloociyo laga billaabo dhamaadka biyaha Soomaaliya illaa 12 mayl badeed wixii ka dambeeya taas oo lagu yaraynayo soo xirmidda xeebta Keenya iyada la tixgelinayo tan Soomaaliya , keenya iyo Tansaaniya taas oo keentay sida ay joqoraafi ahaan u samaysan yihiin xeebaha dalalkaas. Maxkamaddu inta badan dalalka dacwadu dhextaal ayey xeebahooda tixgelin jirtay ee gobolka oo dhan ma tixgelin jirin.

7. Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah waxa ay si sharci ah oo kama dambays ah u xadaysay xad badeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo keenya. Waxa ay aqbashay dooddii Soomaaliya inta badan. Xaqiiqa dhanka waqooyi loo qalloociyey waxa uu dhulkii dacwaddu khusaysay qayb aan badnayn siinayaa Kenya. Maxkamadda marka ay tixgelisay doodaha, xaaladda gobolka sidaas ayey xal u aragtay. Waxaad moodaa in qaab guul-guul ah ay ku dhamaysay oo ayna qaanuunka keliya ku ekaan. 

8. Go’aanka maxkmadda meela badan kama waafaqsanayn sida ay maxkamaddu go’aanka u gaari jirtay oo waxa aad mooddaa in ay xaaladda gobolka iyo siyaasadda caalamka tixgelisay. Garsoore Dr Abdiqawi Yusuf oo ah khabiir Soomaaliyeed oo kamid ah garsoorayaasha maxkamadda ayaa fikir gooni ah oo uu go’aammada qaar ku diiddan yahay soo bandhigay. Tusaale ahaan waxa uu duray meesha laga billaabay xariiqa oo uu tilmaamay in ayna sax ahayn. Tan kale waxa uu diiday oo khalad ku tilmaamay in aan tixgelinta lagu ekayn Soomaaliya iyo Keenya laakiin Gobolka dhan la tixgeliyey oo uu ugu yeeray ““judicial refashioning of geography”. Waxa kale oo Garsoore Abdulqawi in soo xirmidda badda Keenya(serious cuff-off) ayna ahayn mid la arki karoo o aan meesha oollin.

9. In kasta oo sidii aan wax u rabnay aanan u wada helin , haddana Soomaaliya go’aankaan guul weyn ayey u tahay. Waa midda koowaad, dalkayaga oo ah dal ka soo kabsanayey colaado daba dheeraaday, in aan Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah kiis gaynay oo aan helnay xadayn sharci ah oo kama dambayn ah. Tan labaad, maxkamaddu waxa ay aqbashay inta badan dooddihii Soomaaliya. Tan saddexaad, dhul badeedkii kiisku khuseeyey inta badan waxaa loo xukmiyey Soomaaliya.

10. Labada dal oo deriska ah Soomaaliya iyo keenya waxaa la gudboon in ay aqbalaan go’aanka maxkamadda, laguna wada noolaado deris wanaag. Dalalka kiisaskooda lagu qaado maxkamadda inta badan waa kuwo deris ah, kamana dhigna in ay cadow isku yihiin. Xaqeennii si wanaagsan ayaan u difaacannay, waana muhiin in midnimo la muujiyo. 

Ahmed Ali M Khayre, PhD –  Waxa uu sharciga caalamiga ah ka bartay Birkbeck School of Law ee University of London. Wuxuu sidoo kale Daraasaadka Sharciyada Caalamiga ah iyo Yuurb ka bartay Utrecht University School of Law


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *