Faransiiska oo hub u diray Ukraine.


Spread the love

Muqdisho-KNN-Diyaarada sida Hub iyo qalab ayaa ka soo ambabaxday Faransiiska waxayna ku sii jeedaan Ukraine, iyadoo reer galbeedku ay gargaar siinayaan Ukraine.

Madaxweyne Zelensky ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in uu la hadlay madaxweynaha Faransiiska Macron subaxnimadii Sabtida iyadoo ay “maalin cusub bilaabantay”.

Mr Zelensky ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay.”Isbahaysiga dagaalka ka dhanka ah ayaa shaqaynaya!”

Dhinaca kale, Wakaalada wararka ee Reuters ayaa ku warameysa in deegaanka koonfur galbeed ee caasimada Kyiv lagu garaacay laba gantaal, mana cadda halka ay bartilmaameedyadu ahaayeen.

Sida laga soo xigtay maamulka magaalada Kyiv mid ka mid ah gantaalada ayaa ku dhacay dhismo la deggan yahay.

Sidoo kale, Reuters ayaa  ku warameysa in mid ka mid ah gantaalada uu ku dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Zhuliany ee caasimada kyiv.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments