Fariin Ku Socota Hablaha


Spread the love
W/Q: Nuuradiin Diini

Guud ahaan bahada
Haween weynuhu, Hablo iyo Hooyaba waa xooga ugu weyn ee bulshada waa kuwa uu ku
dhaco badi duruufaha dhaqan dhaqaale ee jiraa, waa kuwa inta badan loogaysto
tacadiyayada bini aadanimo, waa kuwa nolosha ka-kan ku soo koriya Ubad badan
kana soo saara jaamacado, madaamo oo guud ahaan mushtamaca Soomaaligu uu ahaa
mid burbursan 40kii sano ee u dambeeyay dagaalana aafeeyeen, waxa horteena
yimid hooyooyin badan oo caruuri ku agoomowday, ama Aabihii nolosha ka dhacay
ama ka naafoobay, hooyooyinkaasi waxa ku kaliyaystay Korinta, Karinta, iyo daryeelka
Ubadkii ay dhaleen, inta badan waxa ay qabtaan shaqooyinka nooca ugu hooseeya
sida Iibinta Khudaarta, Muuska, Caanaha, Hilibka si bay hoofa ayay bacadka iyo
suuqa ula meeraan.

Waxaasi oo
mashaakila, raxan raada, waxa kaga sii daran Hooyadaasi, Siyaasi danayste ah,
ama doqon ah oo jaanis helay kuna tagri falay wixii ay Umaddu wada la hayd,
dhisi kari waayay, waxbarasho tayo leh, caafimaad laysku halayn karo, garsoor
cadaaliya, kaabayaal dhaqaale, iyo wixii adeeg nololled ah.

Sidaasi oo ay tahay
Hablaha aqoon yahankaa da’ada yar waxa hortaala sidii ay u gurman lahaayeen oo
doorkooda u qaadan la haayeen, ugana bad baadi lahaayeen wixii ku asiibay
Hooyooyinkeen.

marka aad eegto guud
ahaan Xisbiyada, Wasiirada, Xafiisyada dawlada ma jirto door muuqda oo haweenku
ku lee yahay.

Golaha Wasiirada waxa
ku jira 3 haween ah

Agaasimayaasha,
Haayadaha Madaxbanaan, iyana waxa ku jira ama xilaal sare ka haya tirro aan ka
badnayn 10masuul oo haweena/hablo ah, Nidaamka Xisbiyada waxa xilalka ugu
sareeya ku jirta Hal gabadh oo hoggaan xisbi ah waana Xisbiga Waddani oo qudha,
Ururada hadda lagu dhawaaqayna waxa jira Hal Urur oo haween ah waana Gurmad
(SYP). Waxa muuqata in gabi ahaanba doorkii Haween weynuhu maqan yahay.

Sidaasi darteed
Ururka Galool waxa uu fursad balaadhan siinayaa sidii ay uga qab qaadan
lahaayeen siyaasada dalka Hablaha aqoon yahankaa ee reer Somaliland.

 

W/Q: Nuuradiin Diini


Like it? Share with your friends!