0

.

Xigashada Sawirka, SNTV

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu hakiyey awoodihii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Warkan ayaa lagu faafiyay qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu go’aankan qaatay ka dib markii uu Ra’iisal wasaaraha “ka weecday waajibaadkii loo igmaday xukuumadda ee ahaa ka shaqeynta doorashooyinka iyo amniga doorashooyinka sida ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka jeediyay Golaha Shacabka 1dii May 2021, Goluhuna uu tixgeliyay soojeedintaas”

Farmaajo ayaa ra’iisal wasaaraha ku eedeeyay inuu “qaadanayo tallaabooyin aan laga fiirsanin oo dalka u jiheyn kara qalaase siyaasadeed iyo mid amni.”

Qoraalka ka soo baxay madaxtoyada ayaa lagu yiri “Maadaama Wasiirka Koowaad ee XFS uu jabiyay Dastuurka KMG ah, waxaa la hakiyay awoodaha Wasiirka Koowaad iyo dhammaan warqadaha kasoo baxa, gaar ahaan xilkaqaadis ama xilmagacaabis, inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka oo ay u xilsaaran yihiin Guddiyada Madaxabannaan ee magacaaban”.

Farmaajo ayaa sheegay in Rooble sameeyay tallaabooyin xadgudub ah ku xquuqda mushaaraadka ciidamada .

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in arrintaan aaney u hakin doonin howlaha doorashada oo ay sii socon doonaan.Wasiirada ayaa la sheegay in ay sii wadayaan shaqooyinkooda.

War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxweynaha ayaa lagu sheegay “Inta lagu jiro xaaladdan, hay’adaha kala duwan ee dowladdu waxay sii wadayaan hawlaha ay shacabka ugu adeegayaan ee lagama maarmaanka u ah socodsiinta hawlaha xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 102aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah oo si cad u qeexaya in Wasiir kasta uu isagu masuul ka yahay Howlaha Wasaaraddiisa, ayna tahay in lagu tixgeliyo, iyagoo aan ku dhaqaaqi karin xil ka qaadis iyo xil magacaabis inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka”.

Ra’iisal wasaare Rooble kama uusan hadlin hadalkan ka soo yeeray madaxweynaha.

Isku dhaca madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa abuuray cabsi xoog leh iyo walaac laga muujinayo inay sii xumaato xasiloonida Soomaaliya oo isu diyaarineysay doorashada waqtigeeda ka dib dhacday.

Labada mas’uul ee ugu sarreeya dalka ayaa dhowr jeer isku dhacay, iyagoo si shaac baxsan isugu qabtay shaqo ka fariisin iyo shaqaaleysiin ay ka kala sameeyeen laamaha amniga gudahooda.

Xiriirkooda mar walba ma liitay?

Jawaabtu waa maya. Rooble oo aan siyaasadda Soomaaliya markii hore laga aqoonin waxaa la bartay islamarkii uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha, bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay.

Inta uusan siyaasadda soo galin waxa uu ahaa nin cilmiga injineernimada rayidka kusoo bartay dalka Sweden kuna shaqeeya.

Qoraalka sawirka,

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Kaddib markii uu madaxweynaha muddo kororsiga sameystay bishii April, iyadoo aysan doorasho dhicin, waxaa dhacay qalalaasihii siyaasadeed ee ugu xumaa ee ay Soomaaliya soo mara muddo sannado ah.

Wuxuu u jeestay dhinaca Rooble oo ka codsaday inuu ka caawiyo dajinta xiisadda iyo qabanqaabinta doorashada.

Maxaa khaldamay?

Maadaama uu Rooble magaciisa kor u kacay, wuxuu billaabay inuu dhowr arrimood uga soo horjeesto Farmaajo, taasoo sababtay in madaxweynaha uu caroodo, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Bishii lasoo dhaafay waxa uu booqday Kenya, isagoo muujiyay inuu daggan yahay xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada waddan, balse safarkaas wuxuu yimid maalmo kaddib markii madaxweyne Farmaajo uu soo saaray wareegto uu ku mamnuucayay in wax heshiisyo ah lala galo dowlado shisheeye, ilaa inta ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Qoraalka sawirka,

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble

Kaddib Rooble waxa uu haddana u jeestay Hay’adda Soomaaliya awoodda badan ku leh ee Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), taasoo uu ku dhaliilay qaabka ay u maareysay baaritaan heer sare ahaa oo ku saabsanaa gabar 25 jir ahayd oo ka tirsaneyd hay’addaas, oo lagu magacaabo Ikraan Tahliil Faarax, taasoo la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigtay.

Caro badan ayaa ka dhalatay arrinta ku saabsan waayitaanka Ikraan, waxaana si weyn hadalheynteeda ay u qabsatay Baraha Bulshada.

Qoyska gabadhaas ayaa hay’adda NISA ku eedeeyay inay dileen Ikraan — fikraddaas oo ay ku raaceen dad badan oo Soomaali ah, oo sheegayay inay caddaalad u baahan tahay.

Markii uu Rooble shaqada ka eryay agaasimaha hay’addaas, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir – oo la sheego inuu saaxiib dhow la yahay Farmaajo – falcelinta madaxweynuhu waxay ahayd inuu markii hore xilkiisa ku celiyay, kaddibna uu u dallacsiiyay jago taas ka sarreysa oo ah la taliyaha amniga qaranka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tallaabadaas uga jawaabay inuu madaxweynaha ku eedeeyay “hor istaagidda” baaritaanka, isagoo arrintaasna ku tilmaamay “mid khatar ku ah hannaanka dowladnimada”.

Qoraalka sawirka,

Saraakiisha sar sare ee cidanka Soomaaliya ayaa maanta oo Khmiis ah kulan ku yeeshay xarunta dhexe ee NISA

Maxaa hor yaalla Soomaaliya?

Dad badan waxay ka cabsi qabaan in arrimahan ay halis galinayaan doorashada oo markii horeba aad ku taagneyd cago adag.

Wajiga labaad ee doorashada, oo ku dhisan codeyn dadban, ayaa la filayaa in lagu soo doorto xubnaha Golaha Shacabka inta u dhaxeysa 1-da bisha October ilaa 25-ka bisha November.

Qoraalka sawirka,

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa majaraha u haya hannaanka doorashada

Laakiin ma cadda xilliga ay baarlamaanka soo dooran doonaan madaxweyne.

“Haddii khilaafkan aan loo xallinin si nabad ah, waxa uu sii adkeyn doonaa dagaal kasta oo siyaasadeed oo ka socda Soomaaliya, oo ay ku jirto doorashada, taasoo dib usii dhici doonta haddii arimahan la joojin waayo,” ayuu AFP ku yiri Abdiqani Cumar, oo horay dowladda Soomaaliya uga soo qabtay xil sare.

Roble waxa uu horayba Farmaajo ugu eedeeyay inuu dib uga ceshanayo “mas’uuliyadihii doorashada iyo amniga” ee isaga loo igmaday goor sii horreysay oo sanadkan gudihiisa ah.

Maxay muhiim u tahay in khilaafka la xaliyo?

Iyadoo al-shababaab ay gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ka mid ah waddanka, Soomaaliya tabar uma heyso inay lugaha la gasho xiisado siyaasadeed oo faraha ka baxa.

Khuburada ka faaloota arrimaha Soomaaliya ayaa sheegaya in hay’adda Sirdoonka Soomaaliya waxay aasaas u tahay dagaalka ka dhanka ah ururrada gacan saarka la leh al-Qaacida, kuwaasoo si deg deg ah uga faa’iideysan kara daciifnimo kasta oo imaata.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *