0

Angelica Vences-Salgado iyo Jacqueline Hernandez

Xigashada Sawirka, Clermont Police Department

Qoraalka sawirka,

Angelica Vences-Salgado iyo Jacqueline Hernandez

Afar iyo toban sano ka dib markii la sheegay in aabaheed uu afduubtay, gabadhan oo reer Florida ah ayaa hooyadeed kula kulantay xadka Mareykanka iyo Mexico, sida ay booliska sheegeen.

Gabadhan oo la yirahdo Jacqueline Hernandez Waxaa la waayay Sanadkii 2007-kii xilligaas oo ay lix jir ahayd wuxuu ahaa kiis qabow ilaa bishaan, markii la sheegay inay hooyadeed kula xiriirtay Facebook.

Ms Hernandez, oo hadda 19 jir ah, ayaa u sheegtay in Angelica Vences-Salgadoay joogtay Mexico. Waxay Isniintii ku midoobeen Texas.

Baarayaasha dhexda u xirtay labadan qof ayaa xaqiijiyay aqoonsiga Ms Hernandez.

Dadaalka dib -u -mideynta ayaa waxaa ka qeyb qaatay hay’ado badan oo sharci fulin ah oo heer gobol iyo heer federaal ah.

Ms Hernandez – oo u dhalatay Clermont, Florida – ayaa la sheegay in aabaheed Pablo Hernandez laga afduubtay gurigeeda 22 -kii December 2007.

Waaran dambi culus ayaa la soo saaray waqtigaas, iyadoo mas’uuliyiintu filayeen in labada qof ay u safri karaan Mexico. Meesha uu hadda ku sugan yahay Mr Hernandez weli ma cadda.

2-dii Sebtember, Ms Vences-Salgado waxay la xiriirtay booliiska Clermont, iyadoo sheegtay inay khadka internetka kula soo xiriirtay haweeney sheegtay inay tahay gabadheeda.

Booliiska Florida iyo Teksas, iyo baarayaal ka socda Waaxda Amniga Gudaha, ayaa sameeyay qorshe ay “ku dhex-galayaan” kiiska haweeneydan da’da yar intii ay la kulmaysay Ms Vences-Salgado si loo xaqiijiyo aqoonsigeeda.

Isweydaarsigooda Facebook, Ms Hernandez iyo Ms Vences-Salgado waxay ku heshiiyeen inay ku kulmaan barta laga soo galo Mareykanka ee Laredo, Texas.

Diiwaanka markiiba waxa uu cadayay in Ms Vences-Salgado ay iyada dashay gabadha.

Bayaan uu soo saaray Isniintii, taliyaha bilayska Clermont Charles Broad wuxuu ku sheegay in dadaalka la isku dubariday uu abuuray “xoog -baahsan” oo gacan ka geystay dib u midaynta lamaanaha 14 sano kadib.

Waaxda Bilayska Clermont ayaan isla markiiba ka jawaabin codsi ay BBC -da ku weediisay inay kala hadlaan kiiska gabadha.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *