Galmudug oo hakisay Doorashada Kursi kamid ah Golaha Shacabka


Spread the love

Guddiga Maamulka Doorashada Galmudug ayaa hakiyay Doorashada kursi kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo ay dhowaan shaaciyeen jadwalkiisa Doorashada.

WarSaxaafadeed ka soo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Kursiga HOP-53 la hakiyay Doorashadiisa, sabab la xiriirta habraaciisa oo aan la dhameystirin.

Guddiga ayaa xusay in kurisgaan isku diiwaan geliyeen musharixiin gaareysa 7 oo dumar ah, isla markaasna jadwalkiisa maalmaha soo socda shaacin doonaan.

Sida qorshaha ahaa maalinta berri ee Sabtida ayaa loo ballansanaa in kursigaan Doorashadiisa ay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb ee xaruunta maamulka Galmudug.


Like it? Share with your friends!