Dableyda hubeysneyd ayaa la sheegay iney toogteen Marxuumka isagoo gaari Rooti ku wareejinayo Xaafadda Wesbank oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika.
Burcada ayaa dilka kadib la sheegay iney si deg deg ah uga baxsadeen goobta ay ku dileen Muwaadinka Soomaaliyeed, waxaana dilka kadib goobta gaaray sida caadada aheyd Booliiska Koofur afrika, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halka lagu dilay ganacsadaha Soomaaliyeed, hayeeshee baaritaankooda muusan kasoo bixin wax natiijo ah.
Dilka iyo beegsiga lagu haayo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay si aad ah ugu soo badanaayay gudaha dalkaasi Koofur Afrika, waxaana dowladda dalkaasi ay sheegta iney wax ka qabaneyso dhiibaatada dilalka ee loo geysto Soomaalida ku nool dalkeeda, hayeeshee ma muuqato ficil ay kaga dhabeynayaan wax ka qabashada dhibaatada lagu haayo muwaadininta Soomaaliyeed.