Ganacsatadu Indho Dhaqaale Mooye Indho Kale Kumey Eegin Arrinta.


Spread the love
Qorre- Axmed-Nasri

Koley nin walbi intuu
yaqaan buu xalka ka eegaaye arrinta dhanka dhaqaalaha ku baxaya laba doorasho
ayey ka eegeen uun, balse saameynta xun ee siyaasiyan yeelan doonto mustaqbalka
iyo bilowga caado uguba oo aan wacanaan doonin kamey fiirsan.

Hore waxaynu ula soo
qabsaney dhaqan xumo siyaasadeed oo ah in muddada loo kordhiyo Madaxweynashaa
iyo goleyaasha taaso hor seedey in loo qaato arrin sharciya isla markaana mar
walba doorashooyinku wakhtigooda dib uga dhacaan.

Soojeedinta
ganacsatudan waxay bilow ka dhigeysa in xisbiyadana loo kordhiyo muddadoodu
markey dhamaato taaso keeni doonta in nidaamkeena doorash aakhirka meeshaba ka
baxo. Waayo waxaa isku habran doona goleyaasha, xukuumada iyo xisbiyada si mid
walbi muddo korodhsi u helo amaba hoos baabey u heshiin karaan mararka qaar si
( gentleman’s agreement ) ah.

Xalku hadaba muxuu
noqon karaa? Anigoon aheyn aqoonyahan sharci balse inta yare kooban een ka
akhriyey sharciga ayaan aragtideyda ku eegaya.

Xaajadu doorkan waa
laba dhacdo oo isa saaran midina waa curad midina waa ugub.

In madaxweynaha
wakhtigii ka dhamaaneyo iyada oon doorashadii diyaar aheyn waa curad oo
xalkeeda horeba weynu usoo aragney. Balse waxaa ugub ah in xisbiyada liisankii
ka dhamaaneyo isla markaana doorashadoodi aaney diyaar aheyn tii madaxtooyadana
isku beegmeen.

Hadaba maxaa xal noqon
kara iyada oon sharciga sidii la doono loo dhigeyn balse siduu yahay loo
raacayo. Doorasho madaxtooyo iyo mid wakiilo wuxuunba geli kara saddex xisbi
qaran ayuu sharcigu ina leeyahay.

Hadaba si loo galo doorashada
madaxtooyada waa in la helaa saddex xisbi oo liisankoodu aanu dhicin. Sidaa
markey tahay waa in la isku qanciyaa in xisbiyadan jiraa  hadda, 26 December ka dib aaney sharci aheyn ee la doorto xisbiyo cusub ka dib
xisbiyadaa cusubna la qabto doorashada madaxweynaha. Culeyskey doonto ee
dhaaqaale ha lahaate muddo kooban oo sannad ka yar labada doorashaba lagu
hirgaliyo,  waayo 2003 ba wax ka yar lix
bilood baa laba doorasho lagu galey iyadoo dhaqaluhu sidan ka liito.

Haddii se la isa saaro
labada doorasho waxay noqoneysa in caado cusub oo muddo kordhin xisbiyada ah la
jideeyey taasina mustaqbalka ina anfici mayso.

Xisbiyada hadda jirana
waa iney aqbalaan inaaney dantooda sharciga u burin ee ay kalsooni yeeshan ay
kula tartamaan ururada cusub iyagaaba 10 sannadood iyo ka badan soo jireye.

Golaha wakiilada iyo
maxkamada sare oo midba dhankiisa ka qaato arrinta mooye xal lagu heli maayo
dhexdhexaadin aan sharciga sal ku laheyn.


Like it? Share with your friends!