Gar-maqaatayaashiyo Dadkaa Beera Ruux Gudhan


Spread the love
“Inkasta oo dadku aanay tamar u haynin mudaaharaad iyo rabshad”

 

August 13, 2022

 

40 sanno ka hor markii
dagalaada sokeeye ka bilaabmeen Soomaaliya waxa la eeday waxa ay ahayd kursi
jacayl. Waxyaabaha aadka looga soo wariyo dagaaladaa sokeeye waxa kamida
dagaaladii la magacbaxay DABARGOYNTA DAAROODKA. Sida magacu sheegayo waxa ay
ujeedada dagaalku ahayd in la xasuuqo dad Soomaaliyeed oo loo tirinayay inay
qayb ka ahaayeen maamulkii jiray.

 Haddaba sida dad badan oo looga qaateen ah
gaar ahaan kasoo jeeda beesha DAAROOD xaqiijiyeen, wax jirta in amaro kasoo
baxayay maamulkii Maxamed S Barre la fulinayay. Ulajeedad Beesha Daarood loo
laynayay ayaa ahayd in la kiciyo, si loo mideeyo beesha oo markaas qayb xoogani
kasoo horjeeday maamulka. Si taas lamida ayaa loo laynayay dadyawgii loo
tirinayay inay kasoo horjeedaan dawlada sida Hawiyaha iyo Isaaqa. Ujeedaduna
waxay ahayduun in laga mashquulo hadafkii markaas dadku u midaysnaayeen ee ahaa
in larido kaligii taliyaha. 

30 sanadood kadib
Soomaaliya waxa ay la daalaa dhacaysaa dhibtaas. Sigaara waxaa xusid mudan waxa
maanta ka dhacaya Somaliland. Dhiig dad shacaba ayaa lagu daadiyay amni ayaanu
ilaalinaynaa. Waxay i xasuusiy khudbadihii Maxamed S Barre markuu wadanku sii
burburayay, “ILAAHAYse kama yeelo tan mid ay Somaliland ku burburto”

Inkasta oo dadku aanay
tamar u haynin mudaaharaad iyo rabshad, haddana waa wax ay xaq u leeyhiin oo
wixii umadani ku heshiisay (Dastuurka) ku qoran. Waa quudhsi iyo yasid la
yaraysanayo garaadkooda, in la yidhaahdo uma bisla inay mudaharaadaan. Waxay
ahay in askartu garabgalaan oo amnigoogad sugaan. Haddiiba se ay jirto cid
rabshado wada, sidii dhagax la tuuray xabbad nool luugu jawaabaa, waxa jira
intaas oo wado furan oo loo xakamayn karaayay cida rabshada wad ayadoon qudhi
bixin.

Dhiiga daataa la arkee
inuu dhiig kale keeno (ILAAH kama dhigee) laakiin ka la dilay wuxuu la dhashay
dad, qoriga iyo rasaastuna maaha wax ku kooban gacmaha dawlada. Askarigu waxa
uu haybada ku leeyahay waa dirayska iyo dawladnimada taas oo waajibkiisu  ilaalinta nafta dadkiisa, marka se uu isagu
daadiyo ogow wuxuu ogolaaday in isna xabbad lagu dhufto, taasina waa halka
burburku ka bilaabmo.

Inkasta oo ay
Somaliland waxbadan ka ayaan badnaatay badiba Soomaali inteedii kale marka la
eego xagga nabadgelyada, Haddan waxa muuqata in dhamaan cidii madax ka noqotay
iyo kuwa soo socdaaba ay yihiin lodkii ama ardaydii kaligiitaliyaha. Uma
muuqato inay xaq iyo mujaahidnimada aya sheeganayaan dhabtahay se waxay
lamidyiin inantii hooyadeed ku tiri “Ilayn igamaad kicinayne waad iga
kacsanaysay”.  Waxay wadaan qoqobkii iyo
qaybintii dadkii wada dhashay, macangagnimo, kursi jacayl, iyo aragti dheeri
la’aan. Run ahaantii qabiil iyo reertoona ma matalaan laakiin waxay awoodaan
inay reeraha isku dilaan madaxana isugaliyaan. shirqoolo iyo dhagaro ayay
maleegaan wax magaratadu ku dhamaato, waxay nac iyo colaad dhexdhigaan dadka
walaalaha ah.

Waxaan qoraalkan ku soo
koobayaa, in waxa Somaliland kadhacayaa aanay cidna dani ugu jirin. Waxa lagama
maarmaan ah, mucaarid iyo muxafidba in wada hadal hawsha lagu dhameeyo. In
balaayada madaxeed laqabto intaan mijaheeda la qaban kariwaayin.

 

[email protected]


Like it? Share with your friends!