0
  • Abdishakur Asowe
  • Digital Journalist

.

Xigashada Sawirka, Ajakis

Magaalada Muqdisho waxaa aas loogu sameyay Alle ha u naxariistee majaajiliistihii caanka ahaa ee Soomaaliyeed, Cabdi Muriidi Dheere oo loo garan og yahay “Ajakis”.

Saaka ayuu Ajakis ku geeriyooday isbitaal ku yaalla caasimadda Soomaaliya oo uu maalmahan ku xanuunsanayay.

War kasoo baxay telefishinka Universal oo uu ka howl gali jiray ayaa lagu sheegay in majaajiliistaha, ahaana barnaamij soo saaraha isbitaalka la dhigay kaddib markii uu xanuun kusoo booday isagoo gurigiisa jooga.

Soomaali badan ayaa baraha bulshada ku hadal heysa geerida Ajakis oo ahaa nin taageero badan leh, sheekooyinkiisana lagu taxnaa.

Kumuuahaa Cabdi Muriidi Dheere?

Ajakis, wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho, halkaasoo uu ku qaatay waxbarashadiisa aasaasiga ah.

Wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1990-meeyadii ayuu magaciisa kasoo dhex baxay majaajiliisteyaashii Soomaalida, isagoo xoogga saari jiray codadka lagu turjumo filimada Hindiga ah ee afsoomaaliga loo baddalo, kuwaasoo uu ka sameyn jiray dhinaca shactirada.

Xilligaas laga soo billaabo, Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) wuxuu ahaa majaajileyste dadka si weyn u jecel yihiin marka uu kasoo muuqdo masraxyada.

Xigashada Sawirka, Ajakis

Marka laga soo tago majaajilaa, Ajakis waxa uu sidoo kale ahaa fannaan xirfad dabiici ah leh oo ay u sahlaneyd in la madadaaliyo dadka.

Howsha madadaalada oo astaan u ahayd wuxuu bilaabay sanadkii 1996-kii.

“Waxaan waa wax Ilaahey kugu abuurayo, laakiin in aan dad la hadli karo ama dad aan ka qoslisiin karo waxaan ogaaday 1996 markaas oo aan bilaabeynay turjumaadda filimada” ayuu yiri Ajakis oo ka hadlay taariikhdiisa dhanka majaajilada.

Saalax Macalin Cabdulle “Saalax Dheere” oo ay isla soo shaqeeyeen majaajileystaha dhintay ayaa BBC u sheegay in Ajakis uu ahaa nin dadka madaadliya oo si weyn loo yaqaannay.

Xigashada Sawirka, Social

Qoraalka sawirka,

Cabdi Muriidi Dheere Ajakis (bidix) iyo Saalax Dheere

“Wuxuu ahaa nin fannaan ah oo bulshaawi ah, wuxuu ahaa nin bulshada dhan ay wada jeceshahay, hadda saacaddan la joogo oo meydkiisa lagu dhaqayo masaajidka Jamaacadda ugu yaraan 2,000 oo qof wey tagaan tahay,” ayuu yiri Saalax Dheere, oo qudhiisa ah majaajiliiste turjuma filimada Afsoomaaliga laga dhigo iyo riwaayadaha.

Ajakis wuxuu ku caan baxay oo uu hormuud ka ahaa muddo dheer jilidda riwaayado fara badan, isaga oo inta badan kasoo muuqan jiray barnaamijka masraxa furan ee ka baxa teleefishinka Universal.

Ajakis wuxuu kamid ahaa koox turjumi jirtay aflaamta Hindiga isagoo kamid ahaa dadkii sida wanaagsan codkooda ugu jili jiray aflaamta oo ay dadka ka daba dhaceen.

“Waxaan kamid aheyn kooxda aflaamta turjunta, filimaanta sameeya, wuxuu nin bulshada ka qosliya” ayuu yiri Saalax Dheere.

Xigashada Sawirka, Social

Qoraalka sawirka,

Dadweyne badan iyo qaar ka mid ah saaxiibbadii lasoo shaqeeyay ayaa aaskiisa ka qayb galay

Abwaan Maki Xaaji Banaadir, oo ka mid ah majaajiliisteyaasha Soomaaliyeed, kana qayb galay aaskiisa ayaa warbaahinta kula hadlay goobta aaska.

“Marxuum Cabdi Muriidi Dheere, maanta ayuu geeridiisa la kulmay. Intii dharareysay geeridiisa iyo intii aaminsaneyd in naf walba markuu ajasheeda Alle soo dhammeeyo inay dhimaneyso dhammaantoodba ha ogaadaan Cabdi Muruudi maanta ayuu geeriyooday, gurigiisa runta ah maanta ayuu u hoyday,” ayuu yiri Maki Xaaji Banaair.

Sanadihii dmabe Ajakis waxa uu daawadeyaal badan ku kasbaday barnaamijkiisa Masraxa furan oo si toos ah looga qab gali jiray, telefishinkana lagala socon jiray.

Erayada lagu xasuusto marka uu barnaamijyada soo deynayo waxaa ka mid ah; “Daawadeyaal”, “I fiirsadayaal”, “ii jeedayaal”, “i daymoodayaal”, “ilaa fool ku taallaa”, “adduunyo ceebaa laga ordaa aakhirana cadaab”, “yaa la aminaa baladkaan” iyo kuwo kale oo badan.

Sidoo kale qaab shakhsi ah ayuu muuqaallo madadaalo ah u soo galin jiray baraha buslhaada ee loo badan yahay, sida Youtube iyo Facebook.

“Anigoo qoslaya ayaan dhimanayaa”

Dad badan ayaa baraha bulshada maanta ku faafiyay muuqaal ku saabsan Ajakis oo hadda ka hor ka hadlaya arrimaha la xiriira geeridiisa.

Muuqaalkan oo ah mid qalbiga taabanaya ayuu majaajiliistaha ku sheegayay in uusan ka baqeynin dhimashada, uuna soo dhaweyn doono marka ay tiisa dhammaato.

“Inaan dhimanaayo waan ku faraxsanahay, maalinteyda haddii la ii imaado, walaahi anigoo qoslaayo ayaan dhimanayaa,” ayuu yiri Ajakis oo ka hadlayay sida uu geerida u wajihi doono.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: “Adduunkan maxaa laga qaadayaa, dhibka yaalla, rafaadka yaalla, silaca yaalla, dulmiga yaalla ayaanba ka nasanayaa, alxamdulillah.”

Muuqalkan ayay kumannaan kun oo qof maanta baaha bulshada iskula wadaagayeen, iyagoo Ajakis u dalbaya in loo wada duceeyo.

Maalmo ka hor intii uu xanuunsanaa Ajakis ayaa mar baraha bulshada lagu faafiyay inuu geeriyooday, walow uu ahaa war been abuur ah.

Majaajiliiste la wada jeclaa

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Qoraalka sawirka,

Ajakis ayaa ahaa majaajiliiste ay si weyn u yaqaanneen Soomaalida

Cabdi Muriidi Dheere, oo ku magac dheeraa Ajakis, waxa uu ahaa majaajiliiste aad loo wada jeclaa oo ay la socdeen jiilkii lasoo hano qaaday burburikii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid majaajileystaha.

Qoraal lasoo dhigay bogga Facebook-ga ee madaxtooyada ayuu Farmaajo ku yiri: “Innaa lillaahi wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdi Muriidi Dheere oo ahaa Jilaa iyo majaajilayste weyn oo soo saari jiray barnaamijyo lagu kobcinayo wacyiga ummadda Soomaaliyeed.”

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi taas la mid ah ka diray geerida Ajakis, waxa uuna eheladiisa, qaraabada iyo umadda Soomaaliyeed ee taageerayaashiisa ahayd u rajeeyay samir.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *