Miisaaniyadda sannadkan 2022 waxaa ka muuqda koror saa’id ah, iyada oo $247.7 milyan ka badan miisaaniyadda sannadkii hore 2021, taas oo ahayd $671 milyan, halka sannadkii 2020 miisaaniyaddu ahayd $476 milyan.
Miisaaniyadda cusub ee dalka ayaa loo gudbindoonaa golaha cusub ee barlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo aan weli farriisan sidii ay ku dhacday doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee bartamihii bishaan.
Golaha wasiiradda waxay sidoo kale meel mariyeen agaasimaha hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA, oo loo magacaabay Mahad Maxamed Salaad, oo kamid ahaa xildhibaannada golaha shacabka.
Waa shirkii ugu horraysay ee ay yeesheen golaha wasiiradda tan iyo markii uu dalku galay isbeddel siyaasadeed oo uu talada kula wareegay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo ku guulaystay doorashadii madaxweynaha.