Google-ka oo lagu heysto “tilmaan xun” oo uu ka bixiyay qabriga Sayidah Caa’isha


Spread the love

Xigashada Sawirka, Getty Images5 Saacadood ka horGoogle-ka oo lagu heysto “tilmaan xun” oo uu ka bixiyay qabriga Sayidah Caa’ishaDadka isticmaala baraha bulshada ee dalka Masar ayaa billaabay olole baraha internet-ka ah oo meesha looga saarayo “tilmaan xun” oo qeybta baaritaanka ee Google-ka uu ka bixinayo “Masjidka Sayidah Caa’isha” ee magaalaa Qaahira.Arrintan ayaa ku soo aadeysay maalmo kaddib markii isla cabasho noocan ah laga bixiyay Qabriga Imaam Cali bin Abi Dhaalib ee magaalada Najaf ee dalka Ciraaq.Dadka afka Carabiga ku isticmaala barta baaritaanka ee Google iyo khariidadihiisa Masar, oo baarayay goobta Masjidka Sayidah Caa’isha uu kaga yaallo Qaahira, ayaa la yaabay in magaca masjidka lagu daray “eray xun”, iyadoo aan la ogeyn sababta. Arrintan ayaa ka careysiisay dadka isticmaala Twitter-ka iyo Blog-yada, kuwaasoo ku baaqay in barta Google Maps laga saxo magaca masjidka.Magaca ayaa lagu saxay saacado gudahood markii uu billowdya ololaha.Dadka oo masjidkan ku khalday kan Sayidah Caa’isha, xaaskii nabiga CSWOlolahan ayaa waxaa la arkayay dad aan aqoon u lahayn in masjidkan uusan la xiriirin Sayidah Caa’isha bint Abi Bakar Al-Siddiiq, xaaska Nabiga CSW, iyadoo Caa’isha ay ku aasan tahay Al-Baqi oo ku taalla Madiina. Masjidkan waxaa ku aasan Caa’isha bin Jacfar Al-Siddiiq bin Muxamad Al-Baqir bin Ali Zain Al-Caabidiin bin Al-Xuseyn bin Cali bin Abi Talib, sida ay tilmaameen qaar ka mid ah dadka Twitter-ka isticmaala.Cabasho taas la mid ah oo la xiriirtay qabriga Imaam Cali ee Najaf    Dadka qaar ee baraha bulshada ayaa sheegay in “eraygan xun” ee lagu lammaaniyay masjidka ay ku soo aadeyso maalmo kaddib markii isla eraygaas oo kale loo adeegsaday qabriga Imaam Cali bin Abi Dhaalib.Dadka bartaas adeegsada ayaa markaas caro ka muujiyay in eray xun loo adeegsado qabriga, oo ka mid ah meelaha ugu barakeysan ee Muslimiinta Shiicada ah ee Ciraaq.Taariikhyahannada ayaa isku raacsan in Caa’isha bin Jacfar Al-Siddiiq bin Muxamad Al-Baqir bin Ali Zain Al-Caabidiin bin Al-Xuseyn bin Cali bin Abi Talib  ay ku geeriyooday Masar.Taariikhyahannada waxay xaqiijiyeen in Caa’isha lagu aasay Masar, qabrigeedana lagu dul qoray: “Kani waa qabriga Sayidah Caa’isha oo ka soo jeedda reer Jacfar Al-Siddiiq, wiilka Imaam Cali bin Abi Dhaalib, Allaha barakeeyee.”Masjidka ayaa laga ag dhisay qabriga Caa’isha ee Qaahira, ilaa qarnigii lixaad ayuuna halkaas ku yaallay.Xilligii Ayuubiyiinta, iskuul ayaa la dhisay meel u dhow qabriga, iyadoo amarka uu bixiyay Salaaxu-diin al-Ayuubi.Qarnigii siddeedaad, masjidka ayaa dib loo dhisay.Masjidka haatan wuxuu ku yaalla deegaanka Al-Khalifa, bannaanka Barxadda Al-Qalaa ee Waddada Al-Sayeda Aisha ee Qaahira.


Like it? Share with your friends!