0

Man City ayaa guulo ay u qalantay wax aya ka gaareen  Chelsea oo aan soo bandhigin kubad ay u qalmeen

Sheekada ciyaarta : Chelsea iyo City ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli City ay qeybtaas hore ay ku ceebeysteen kooxda Tuchel dhanka kubad haysashada
Kubad hayasho ciyaar deg degsiimo leh ayay City soo bandhigeen aad ayayna ugu sareeyeen Chelsea kuwaasi oo difaac ciyaarayay

City ayaa maamsuhay ciyaarta waxa ayna kubadda u diideen Chelsea kuwaasi oo kubadaha rogaal celiska ah ku tiirsanaa

City kaliya xalka goolka ayaa ka maqnaa waxa ayna heerka kubad hayashadooda mararka qara gaareysay %720 iyadoo dhamaadkii ay iska qasaariyeen fursado .

Waxaa xusid mudan in qeybtaas hore ku tilmaami karno in Chelsea maqane jooge ahaayeen xilli Warner iyo Lukaku ka sheegteen is fahan la`aan , sidoo kale Chelsea waa ku adkeyd in kubadda si sax u soo garsiiyaan aagga goosha City.

Chelsea waxaa daqiiqadii 29-aad dhaawac looga saaray Reece James kaasi oo lagu badalay Reece James Thiago Silva

Soo laabashadii , City cadaadiska ayay sii wadeen waa u nuglaayeen in shabaqa Chelsea booqdaan ilaa ugu dambeyntii ay tageen daqiiqadii 53-aad waxaana dhaliyay Jesus

Daqiiqaddii 57-aad Grealish ayaa gool cajiib noqon lahaa waxaa ka bad baadiyay goolhaye Mendy waxa ayna City kubad hayashadooda gareysay mararka qaar %66

Chelsea waa nuglaayeen gool labaad balse nasiibka ayaa caawinayay xilli Lukaku gool laga diiday daqiiqadii 62-aad sababa la xariia offide .

Ka dib dhacdooyinkaas , Chelsea waxa ay bilaabeen in ay horay u soo dhaqaaqaan waliba kubadda gaarsiiyaan aagga goosha City inkastoo kaliya dhameystirika uu ka maqnaa .

Qeybihii dhamaadka , Chelsea wa asoo yaa wacnaadeen waliba fursado ayay qasaarinayeen iyadoo macalin Tuchel daqiiqadihii 60 iyo 73-aad uu soo giliyay Hevertz iyo Cheek oo kala saaray Kante Jorginho.

Dhamaadkii Chelsea halis ayay ahaayeen iyaga ayaana cadaadinayay waliba u nuglaa gool xilli City u muuqdeen kuwo difaac ku aruuray waxa uuan Pep badelkiisa ugu horeeyuay sameeyay daqiiqadii 81-aad xilligaas oo uu soo giliyay Riyad oo loo saaray n De Bruyne

Dhamaadkii , City waxa ay ilaalsanayeen gooshooda waxa uuna macalinka so giliyay Fernandinho oo loo saaray Foden iyo Strealing oo loo saaray Grealish waxa ayan daqiiqadii 87-aad, waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay halkaas gool ee ay City ku badiyeen.

Sii Akhriso: Waakan Ninka Ay Dumarka Oo Dhan Jecelyihiin, Xitaa U Dhiman Karaan


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *