Guddi dhexdhexaadin ka dhex waday Xukumadda Somaliland iyo Mucaaradka oo go’aano soo saaray


Spread the love

Guddi dhexdhexaadin ka dhex waday Xukumadda Somalinad iyo Mucaaradka ayaa soo saaray go’aano la gu xallinayo khilaaf ka dhaxeeyay, kaasi oo dhaliyay Bannaanbaxyo.

Guddiga ayaa go’aamiyay in mar kaliya la wada qabto doorashada Madaxweynaha iyo furista xisbiyada, qodobkaas oo ahaa kan ugu muhiimsan ee uu khilaafku ku saleysnaa.

Guddiga ayaa soo saaray qoddobadan

1. In la dadejiyo oo sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiro ansixinta xubnaha ka dhiman Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

2. In la isku sidko oo mar la wada qabto labada doorasho ee madaxtooyada iyo ururada/xisbiyada.

Sababaha aannu ugu talinay in labada doorasho la isku sidko waa:

• Duruufaha dhaqaale ee maanta dalkeenna ka jira sida abaaraha iyo sicir-bararka oo aan innoo suura gelineyn in la qabto laba doorasho oo muddo koobani u dhexayso oo ay ku baxayso labanlaab lacagtii ku bixi lahayd doorasho isku sidkan.

• Waxa sannadkii hore innoo qabsoomay laba doorasho oo isku sidkan oo noqday tusaale wanaagsan oo daariiq cusub innoo jeexay. Hadaba halkii saddex ama afar jeer doorashooyin la qaban lahaa shantii sannood ee kastaba, labada doorasho oo mar la wada qabtaa waxay innoo suura gelineysaa in laba jeer oo keliya doorashooyin la qabto 5-tii sannadoodba. Dalku ma awoodi karo in dhowr iyo tobankii biloodba mar doorashooyin la qabto.

Go’aankii maxkamadda sare iyo kaabista xeerarka ee golayaasha sharci dejintu waxay kor u qaadeysaa sarreynta sharciga iyo in la xoojiyo oo kalsooni la siiyo hay’adaha sharciga ee dalka, waxaaynay xal u noqonaysaa muranka imika taagan.

Waxannu ugu baaqeynaa xukuummadda, xisbiyada mucaaridka, ururrada siyaasadda iyo dhammaanba dadka reer Somaliland in ay golayaasha sharci dajein ku taageeraan sidii ay arrintan xal waara oo sharciga waafaqsan uga soo saari lahaayeen.”

Guddiga Ganacsatada ah ee Talooyinkan soo jeediyey waxay kala yihiin Xaaji Aadan Axmed Diiriye, Cabdirashiid Maxamed Siciid, Cabdikariim Maxamed Iid, Ismaaciil Ibrahim Axmed, Maxamed Shukri Jaamac iyo Cabdillaahi Carab Ismaaciil.


Like it? Share with your friends!