Guddigga doorashada Hirshabelle oo shaaciyay qabashada kuraas ka mid ah golaha Shacabka


Spread the love

Beledweyne-KNN-Guddiga Maamulka doorashada Hirshabelle SEIT ayaa waxaa ay shaaciyeen Jadwalka doorashada 6 kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay magaalada Bebeledweyne ee gobolka Hiiraan.

Kuraasta la shaaciyay ayaa kala ah HOP#008, HOP#015, HOP#089,HOP074, HOP#086, HOP#109 iyo HOP#274 kuwaas oo lagu wado inay doorashadooda dhacdo 20 Bishan 2022-ka.

“GHDHF waxa ay shaacinayaa in Guddiga Maamulka Doorashooyinka D/G Hirshabelle ay ku dhawaaqeen Jadwalaka doorashada 6 kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee lagu dooran doono Magaalada BALADWAYNE, waa magaalada labaad ee deegaan doorashada Dawlad Gobaleedka Hirshabelle”.ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga doorashooyinka Hirshabelle.


Like it? Share with your friends!