
Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buula Garaad (Canjeex) oo ka hadlay arrinta Garbahaarey ayaa sheegay in shacabka Gedo iyo maamulkuba aysan ku qanacsaneen Guddiga uu RW Rooble u magacaabay ka soo tala bixinta sidii doorashada loogu qaban lahaa Magaalada Garbahaarey.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in guddiga uu Cumar Dhageey madaxdu ka yahay ee magacaawday waxaan ognahay natiijada ay keeni doonaan, isagoo xusay in wixii ka dhasha uu qadayo qofkii soo diray.
“Mudane Raysal Wasaare guddiga uu Cumar Dhageey madaxdu ka yahay ee magacaawday waxaan ognahay natiijada ay keeni doonaan mana ku qanacsanin wixii dhib ah ee ka dhashana qofkii soo diray ayaa qaadaya” ayuu ku yiri shir jaraaid uu muqdisho ku qabtay Guddoomiye Buula Garaad
Hadalka Guddoomiyaha ayaa imaanayo, iyadoo khilaaf xoogeystay uu ka taagan yahay qabsoomida doorashada kuraasta taala Garbahaareey, waxaana muuqato in kala qeybsanaan durba soo kale dhex gashay Guddi uu RW Rooble u magacaabay qiimeynta ku aadan in doorasho lagu qaban karo Garbahaareey iyo inkale.